Araweelo News Network
madaafiiclagugaraacay
Mogadishu(ANN)Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay Duqeyn culus la beegsadeen xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ee ay degantahay dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh, sidoo kale waxay sheegeen weerraro hubeysan ee ka dhacaya degmooyinka gobolka Banaadir iyo meelo kale ku dileen saacadihii lasoo dhaafay dhawr sarkaal oo dawlada ka tirsan.

War kasoo baxay Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in mujaahidiintoodu ay 7 madfac la heleen gudaha madaxtooyada sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

Al Shabaab waxay sheegtay in duqeynta madaxtooyada ay qeyb ka yihiin howlgallo ka dhan ah dowladda Federaalka oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacayay Muqdisho, iyadpo warar laga helay dadka degmada Wardhiigleey sheegeen in dhowr madfac lala helay gudaha madaxtooyada iyo hareeraheeda, isla markaana la arkayay uura madoow iyo qiiq cirka isku shareeray.

Sidoo kale Al-shabaab, waxay sheegtay in dilal xidhiidh ah oo ilaa shalay ay ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ku khaarajiyeen Illaa lix sarkaal oo ka tirsan DF-ka, kuwaas oo ay sheegeen dilalkoodu ka dheceen degmooyinka Wadajir iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay Toogashadii ka dhacay Wadajir saraakiisha lagu dilay uu ka mid ahaa sarkaal Somali-American ah oo la shaqeynayay sirdoonka Mareykanka CIA qeybta ka howlgasha Soomaaliya.

Sarkaalkaa ayay Al-shabaab ku sheegtay magaciisa Cabdulqaadir Sheekh Cumar Cadde oo lagu naanaysi jiray “Shuluq” , kaasoo ay sheegeen xoogag hubaysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab rasaas madaxa kala dhaceen, waxay sheegeen inuu sarkaalka la dilay ee Shuluq, ahaa sarkaal muhiim u ah CIA-da oo abaabuli jiray kooxaha basaasiinta, sidoo kale waxay ku tilmaameen Al-shabaab inuu ahaa isku xidhe weyn oo qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Al-shabaab, ayaa sidoo sheegtay inay Khasare lixaad leh gaadhsiiyeen ciidamada AMISOM, kadib dagaallo culus oo ka dhacay duleedka degmada Janaale, sarkaal u hadlay xarakada Shabaabul ayaa sheegay in saraakiil sarsare oo AMISOM katirsan ay ku dileen dagaalka, kuwaas oo kasoo jeeda dowladda Uganda oo uu ku jiraan abaanduulayaal muhiim u ahaa howlgalka AMISOM ee shabeelaha Hoose, balse ma sheegin magacyada saraakiisha ay ku dileen dagaalka.

Sidoo kale, waxay Al-shaabab sheegtay in rag hubeysan oo katirsan ciidankooda Afar sarkaal oo ka tirsanaa dowladda Federaalka ku toogteen isgoyska Afarta darjiino ee degmada Boondheere waqooyi bari magaalada Muqdisho, balse dawlada Somalia, ayaan wax war ah kasoo saarin guulaha ay sheegatay Al-shabaab ee dilalka saraakiishaa iyo duqanta Madaxtooyadda Villa Somalia oo Al-shabaab sheegtay inay Madaafiic ku weerrareen.

Waxayna dhacdooyinkan kusoo beegmayaan laba maalmood kadib markii degmada Hodon lagu dilay saraakiil katirsan dowladda Turkiga, iyadoo xiligan weerrrarada qorshaysan ee Al-shabaab ku ugaadhsanayn saraakiisha Dawlada iyo kuwa shisheeye ee ku sugan Muqdisho sii badanayaan, taas oo xaalada amaanka kusii kordhisay cabsi weyn.