X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Shaacisay Tirada Rasmiga Ah Ee Khasaaraha Qaraxii Muqdisho

Al Qaeda-allied Al Shabaab intends to topple Somalia's west-backed government

Tirada Saraakiisha Turkiga, Hayaddaha Amniga Ee Dawladda Iyo Dadka Shacabka Ah Ee Qaraxu Sababay Dhimashadooda Iyo Dhaawacooda Muqdisho(ANN)-Xarakada Al-shabaab, ayaa soo saaray Bayaan rasmi ah oo ay si faah-faahsan ugu shaxeeyeen khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka hadashay qaraxii Sabtidii December 28th, 2019, ee ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee galbeedka magaalada Muqdisho. Bayaanka oo ku qoran Luqadaha Engilish, Arabic iyo Soomaali, oo maanta kasoo baxay Xarakada Al-shabaab, isla markaana lagu baahiyay boggaga warbaahinta taageerta Xarakadda Al-shabaab ee dhinaca Internetka, waxay ku sharaxeeen tirada rasmiga ah ee dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay, waxayna wadarta guud ee dadkii ku dhintay ku sheegeen weerrarka 84 qof, iyagoo sida ay ku xuseen bayaankooda 23 qof oo ka mid ah ay ahaayeen dad shacab ah, halka 61-ka kale ay ku sheegeen inay ahaayeen dhinacyadii ay weerrarka la beegsanayeen. Sidoo kale, waxay bayaanka Al-shabaab kaga hadashay kharaaha qaraxaa ku sheegeen in tirada dhaawaca dadkii ku waxyeeloobay ay ahaayeen 69, balse may faah-faahin dhaawacu sida ay kala yihiin. Shaxda Al-shabaab baahisay ee khasaaraha qaraxa ee isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, ayaa ahaa sidan:-

AKHRI:Al-shabaab Oo Ka Hadashay Qaraxii Muqdisho Ee Sababay Dhimashada Iyo Dhaawaca Boqolaal Shacab Ah

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post