X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Shaacisay Magacyada Dadkii Ay Ku Dileen Weerrarkii Huteelka SYL

The Photo File Bbc: Hotel SYL has already been attacked

Muqdisho(ANN)- Al-Shabaab, ayaa sheegay inay weerrarki ay ku qaadeen Huteelka SYL, ee kasoo horjeedka Villa Somalia ay ku dileen dad badan oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan dawladda Federaalka ah. kadib markii ay gudaha u galeen xalay fiidkii koox hubaysan oo ka mid ah ciidankooda.


Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho oo inta badan ay degan yihiin wasiirada, xildhibaanada iyo madaxda dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo u muuqda xarunta Madaxtooyadda ee uu dagan yahay madaxweyne Farmaajo, waxay Al-shabaab sheegeen inay ku dileen ugu yaraan 25 sarkaal oo ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dowladda, halka sidoo kalena ay sheegeen in lagu dhaawacay 39 kale.


Sida ay shaaciyeen qaar kamid ah waraabinta taageerta Al-shaabab oo soo gudbiyay qaar ka kid ah magacyada mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda ee ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarkaa, waxayna muuqaalo iyo magacyo ay sheegeen in lagu dilay weerrarkaa ku sheegeen, Cabduqaadir Cumar Cabdi oo ahaa Garsoore kamid ah maxkamadda racfaanka, Maxmuud Ismaaciil Muuf oo ahaa Taliyaha ciidamada madaxtooyada Soomaaliya, Cali Daahir Salaad oo ahaa Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya, Fu’aad Ugaas Yacquub oo ahaa Sarkaal ka tirsan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiqani Cumar Maxamuud oo ahaa Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Dekaddaha, Liibaan Nuur Cali oo ahaa Sarkaal ka tirsan Booliska loo yaqaano Harimcadka, Ilyaas Carab oo ahaa Sarkaal ka tirsan hay’adda Nabadsugidda, Nin kale oo lagu magcaabo Booc booc oo Ka mid ahaa ilaalada Madaxtooyadda Villa Somalia iyo Nin magaciisa lagu soo koobay Ibraahim oo lagu sheegay inuu ahaa Agaasimaha waaxda dhaqan-celinta Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Sidoo kale, Al-shabaab, waxay sheegeen in dadka dhaawacmay oo ay tiradooda ku sheegeen 25 qof, ay ku jiraan Maxmuud Cali Magan oo aha Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomalaiya, Xasan Isaaq Yacquub (Gees Cade) oo ahaa xildhibaan hore, isla markaana soo qabtay xil iyo Wasiir hore oo ka tirsanaa maamulka JUBBALAND, Cabduqaadir Cali Cumar oo ahaa Waasiirkiii Arrimaha Gudaha ee Hore, Cabduxamiid Cabdikariim oo ah Guddoomiye ku xigeenka degmada Boondheere, Aadan Dhagool oo ahaa Sarkaal ka tirsan shaqaalaha Baarlamaanka, Cali Maxamed Cali oo ahaa Sarkaal ka tirsan shaqaalaha Baarlamaanka, Xusseen Xiiray oo ahaa Sarkaal ka tirsan shaqaalaha Baarlamaanka.


War qoraal ah oo Al-shabaab kasoo saartay weerrarkaa, waxa kale oo ay ku sheegeen in uu qaatay saacado badan, isla martkaana kooxda dagaalyahanka ee galay Huteelka ay ugu yaraan ciidamada dawladdu isku dayeen inay kusoo qaadaan ugu yaraan 6 weerar oo ay ku doonayeen inay ku qabsadaan dhismaha Huteelka mudadii ay dagaalyahanka Al-shabaab gudaha ugu jireen, balse waxay sheegeen inay ciidanka dawladdu la kulmeen khasaare xoogan oo ay awoodi waayeen inay gudaha soo galaan si ay dadkaa usoo badbaadiyaan.


Balse Sekeriya Xuseen oo u hadlay Booliska dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa dhankooda sheegtay in ugu yaraan siddeetaneeyo qof laga soo badbaadiyay Huteelka markii ay Al-shabaab weerrareen, isla markaana qaar ka mid ah kooxda Al-shabaab ee weerrarka soo qaaday la dilay, waxayna Xukuumadda Federaalka sheegtay in dadka ku dhintay weerrarka ay ahaayeen shan qof oo keliya, isla markaana ay jireen dhaawacyo soo gaadhay dadka goobta ku sugnaa xilliga weerrarku dhacay.

Dhinaca kale, weerrarka Al-shabaab oo ahaa kii ugu weynaa weerrarada ay qaadeen shantii Bilood ee u danbeeyay, waxaana Huteelka SYL, weerraro sidan oo kale ah oo khasaare dhaliyay looga fuliyay August 2016-kii, iyadoo ugu yaraan 20 qof ay ku dhimatay kuwa kalena ay ku dhaacmeen, sidoo kale February 2016-kii, ayaa Huteelka SYL weerrar khasaare dhaliyay lala beegsaday.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post