X
    Categories: Warar

Al Shabaab Oo Shaacisay In Ay Askar Mareykan Ah Ku Dileen Weerar Ka Dhacay Duleedka Kismaayo Iyo Madaxweyne Trump Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network

Kismaayo(ANN)-Al shabaab, ayaa shaacisay in ay weerar  ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ku dileen  Askar Maraykan ah, Isla markaana ay dhaawacyo u geysteen kuwo kale.

Sida ay sheegeen wararka  Al shabaab dagaalka oo ay ka qayb qaateen boqolaal Ciidamadda Soomaaliya, Kenya Iyo kuwa Maraykankaoo, ayaa ka dhacay deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Weeararka oo deegaankaa ka  dhacay galabta, ayaa ahaa mid culus oo ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la beegsadeen ciidamo huwan ah oo iskugu jira Maraykan, Kenyaan iyo Soomaali, kuwaas oo halkaas dhaq dhaqaaqyo ka waday.

Madaafiicda goobta iyo qoryaha sebenka oo garbaha lagu qaato, ayaa loo adeegsaday , waxaana ciidamada lala beegsaday iyagoo ku sugan deegaanka Baar-Sanguuni oo qiyaastii 45 KM dhanka waqooyiga kaga beegan Magaalada Kismaayo

Saraakiisha milatariga  Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen ugu yaraan hal askari oo Maraykan ah, isla markaana ay ku dhaawaceen Afar kale, kuwaas oo dhaawacooda uu yahay kuwo aad u liita.

Laba diyaaradood oo nooca Heelikobtarka loo yaqaano ayaa kusoo degey deegaanka Baar-Sanguuni si  ay u qaadaan dhaawaca iyo dhimashada Ciidamada Maraykanka ah. Sida ay Al shabaab sheegtay.

Dhinaca kale Donald Trump, madaxweynaha Maraykanka ayaa bartiisa Twitterka kaga hadlay Askariga lagaga dilay weerarkaa, wuxuuna  ehellada askarigaas la dilay iyo kuwa dhaawacmeyba uu uga tacsiyeeyay musiibada ku dhacday.

“Waxaan u duceynayaa ehellada Askarigeena la dilay, iyo saaxibadiisa ku dhaawacmey Soomaaliya, dhabtii dhamaantooda waa geesiyaal” ayuu yidhi, Donald Trump.

Sidoo kale Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa “Africom” ayaa bayaan uu soo saarern kaga hadlay weerarkaa, waxayna qirteen in Koonfurta Soomaliya lagaga dilay Askari Ameerikaan ah, halka afar kalana lagaga dhaawacay.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post