X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Sanad Kadib Dilka Hoggaamiyohoodii Ugu Aar Guday Daadinta Dhiiga 50 Askarta Ugaandhiiska Ah

Jannaale(ANN)Malayshiyada Al-shabaab ayàa gelalafay xero milateriga Uganda ay ku lahaayeen deegaanka Jannaale ee Koonfurta Somalia. Kadib markii weeraro ay ku qaadern halkaà shalay hiirtii waaberti ku dileen ugu yaraan 50 kamid a cidamada ku sugnaa.

Saraakiisa AMISOM ayaa qirtay weerarkaa, bàlse waxay sheegeen in Askarta lagaga dilay wrerarku gaadhayaan 50, halkà Al-shabaab sheegtay inay ku dhowaad 70 Askari ku dileen xeradaa oo ay gebi Ayaan là wareegeen, isla markaaa ay kàxaysteen qaar ka mid ah Askarta Uganda ee ku jiray xeradaa oo ay nolosha ku qabteen.

Weerarkaa oo kusoo beeegmay sanad kadib markii Hoggaamiyihoodii Axmed Cabdi Godane (Sheekh Abu Zuber) 1 Sep, 2014, weerar dhinaca cirka ah lagu khaarajiyay, waxayna Al- Shabaab sheegtay in weerarkaa shalay dhacay là fuliyay sanad kadib dilka Hoggaamiyihoodii oo lagu beegay xiliga xiligiisa, isla markaana ay fuliyeen ciidamo khaas ah oo là aasaasay markii là dilay Abu Zubeyr, kuwaas oo fuliyay weerarkaa iyo kuwo kale .

Al-shabaab ayàa weerarkaa o o kale ka fulisay Deegaanka Leego ee woqooyi galbeed kaga berga Muqdsiho dabayaaqadii July isla sanadkan ku dhowaad 70 Askarta Brundi ku dileen xerada Leego.
Waxayna weerarkaa hadda ka dhacay Jannaale iyo kuwii ka horeeyayba. Muujinayaan sida ay Al-shabaab weli awood ugu leeyahay Koonfurta Somalia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post