X

Al Shabaab Oo Qarax Iyo Weerar Wada Socda Ku Waajahday Huteel Ka Mid Ah Kuwa Ugu Waaweyn Muqdisho

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Qarax weyn ayaa lala beegsaday Hutelka Afrika ee Magaalada Muqdisho, waxaana markaa kaddib la maqlayay rasaas xooggan oo ka socota gudaha Huteelka.

Qaraxa iyo weerarka ka dhacay Huteelka oo ka mid ah kuwa waaweyn Magaalada Muqdisho ee xarunta u ah saraakiisha Hay’addaha dawladda iyo masuuliyiinta kale,  ayaan si dhab ah loo ogayn cidda fulisay iyo khasaaraha ka dhashay.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay weerarka, iyadoo sidan oo kale uga fulisa Magaalada Muqdisho weeraro iyo qaraxyo wada socda, wallaw aan si dhab loo ogayn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu sababay weerarku.

Ciidamada amaanka ayaa deg deg u gaadhay halkaa, iyadoo Sarkaal u hadlay Booliska xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya wax yar kaddib markii weerarku dhacay sheegay in dad baddan laga soo badbaadiyay Huteelka, isla markaana uu socdo weli hawlgalku, isagoo xusay in la filayo khasaare dhimasho iyo dhaawac inuu jiro.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa gaadhay halkaa markii qaraxu dhacay kaddib.

Dadka ka ag dhow halka uu ku yaal Huteelka oo ah waddada muhiimka ah ee ee u baxda dhanka Garoonka Aadan Cadde, ayaa sheegay in ay maqlayaan rasaas saacado baddan ka socotay gudaha huteelka, waxaase la filayaa in khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo weerarku noqdo mid baaxad leh, balse aan hadda la xaqiijin karin.

 

Wixii kasoo kordha kala soco Araweelo News Netwrork.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post