X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Maxaadaro Dhoolatus Ah Ka Jeedisay Masjid Ku Yaal Gudaha Dalka Kenya


Gaarisa(ANN)Dagaalyahanka Al-shabaab, ayaa Maxaadaro Diini ah oo dhoolatus ah ka jeediyay Masjid ku yaal gudaha dalka Kenya. Kadib markii ay saacado kooban si lama filaan ah u qabsadeen, sidaana waxa Idaacada BBC-da u sheegay hogaamiyayaal deegaanka ah, kuwaas oo xaqiijiyay in kooxda Al-shabaab ay qabsadeen muddo kooban masaajid ku yaal magaalada Gaarisa.

Kooxda Shabaab ayaa lagu soo warramay inay ku dhowaad laba saacadood la hadleen dadka jameecada masaajidka sugnaa, Waxayna dhaliileen mas’uuliyiinta Kenya iyagoo u digay kuwa u jaajuusaya ee basaasiinta u ah dowladda.
Dadka Masjidka ku sugnaa, ayay la yaab ku noqotay sida ay Al-shabaab awood ugu yeesheen inay soo galaan gudaha dalka Kenya, iyagoo si aan cabsi lahayn Masjidka uga jeediyay Maxaadarada, isla markaana isaga baxeen markii ay dhamaysteen ujeedada ay lahaayeen iyagoo aan waxba dilin cidna dhibaato u geysan oo ay ku laabteen meelihii ay ka yimaadeen.
Arrintan ayaa u muuqata fariin ay Al-shabaab u dirayso Dawlada Kenya iyo dunida kale, taas oo muujinaysa in dhawaaqyadii Xukuumadda Madaxweyne Uhuro Kenyata dhowaan ku balanqaaday inuu ka safaynayo dalkiisa Kooxda Al-shabaab aanay waxba ka hirgelin. Kadib weeraro soo noq noqday oo uu ugu danbeeyay kii khasaaraha weyn dhaliyay ee jaamacadda Gaarisa oo Kooxda Al-shabaab ku dileen ku dhawaad boqol iyo konton qof, ay xukuumadda Kenya sheegtay inay xidida u siibay Al-shabaab, balse Al-shabaab ayaa dhinaceeda ku hanjabtay in aan waxba ka celinayn weeraro ay ku qaadaan gudaha dalka Kenya oo aanay Ciidamada Kenya awood u lahayn inay ka hor istaagaan, iyagoo ku dooday inay sii wadayaan weerarada ay ka wadaan gudaha Kenya inta ay Ciidamada Kenya ku suagnyihiin gudaha dalka Somalia.
Waa dhacdadii u horaysay ee Al-shabaab sidan oo kale Masjid ka jeediyaan Muxaadaro gudaha dalka Kenya. Kadibna si nabad ah isaga baxaan iyagoo aan wax weerar ah samayn, taas oo loo fasirtay fariin dhoolatus ah oo ku waajahan Madaxweyne Uhuro Kenyatta iyo xukuumaddiisa dalka Kenya.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post