X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Maddaafiic Kusoo Dhowaysay Madaxweyne Farmaajo Xasan Sheekh-na Ku Saggootiday

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah ugu wareegay guriga Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.
Xafladda ay kula kala wareen labada masuul xarunta Villa Soomaaliya maanta, waxaa lagu casuumiyay warbaahinta qeybaheedda kale duwan, waxaana astaanta calanka ka tumay ciidanka bambeyda Soomaaliya.
Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii uu wareejiyay xafiiska u guuray meel loo qorsheeyay gudaha magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo oo tan iyo markii la doortay deganaa hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho, ayaa la filayaa inuu hawshiisa billaabo wixii hada ka danbeeya.
Balse Xafladda rasmiga ah ee caleema saarka ayaa Muqdisho ka dhici doonta 22-ka bisha, taas oo la filayo in ay kasoo qeyb galaan marti sharaf gobolka iyo caalamkaba ka socda.

Mudadii ay socotay xaflada xil wareejintu, waxaa la maqlayay maddaafiic lala beegsaday Villa Soomaaliya, kuwaas sida warrarku ay sheegeen ku dhacay meel ku dhow Madaxtooyadda.

Maddaafiicdaa oo sababay ugu yaraan sida ay warrarku sheegayaan in seddax qof ay ku dhaawacmeen.
Xarakada Al-shabaab, oo maalmahan hakiyay weerraradii ay ka fulinayeen Muqdisho, wixii ka danbeeyay doorashadii lagu doortay Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegatay Maddaafiicdaa lala beegsaday Villa Soomaaliya xilligii ay socotay xil wareejintu.


Maddaafiicda Al-shaabab maanta la beegsadeen Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, ayaa u muuqday fariin ay ku saggootinayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, isla markaana kusoo dhowaynayaan Madaxweynaha cusub ee xilka la wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Maalmaha soo socda, ayaa la filayaa inuu Madaxweyne Farmaajo billaabo qorshihiisa hannaanka sidii u magcaabi lahaa Ra’iisal Wasaarahii soo dhisi lahaa xukuumadda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post