X
    Categories: Warar

Al-Shabaab Oo Madaafiic Ku Garaacday Saldhig Ciidamadda Ethiopia Ku Leeyhiin Bakool

Araweelo News Network

Alshabab attack 

Bakool(ANN)-Masuuuliyiinta Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Ururka Al-Shabaab, gaar ahaan guutada Madaafiicda ayaa tiro madaafiic ah waxa ay ku garaaceen Saldhig ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin degmadaasi.

Weerarkaan madaafiicda ah ayaa wararka waxa ay sheegayaan xalay saqdii dhexe in lagu qaaday Saldhiga ciidamada Ethiopia Degmada Waajid, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Madaafiicda qaar ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen Saldhiga ciidamada Ethiopia ee Degmada Waajid, halkaasi oo suuragal ay tahay inuu ka dhashay khasaare.

Ilo madax banaan ayaa  sheegay in Ciidamada Ethiopia  ay dhankooda rideen madaafiic culus oo jawaab ay uga dhigayeen kuwii lagu soo tuuray.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay madaafiicdaasi lagu weeraray Saldhiga ciidamada Ethiopia ee Degmada Waajid.

Ciidanka Ethiopia oo garab ka helaya kuwa Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa Howlgallo koox koox ah waxa ay ka wadaan Aagga ay u maleynayaan in laga soo tuuray Madaafiicda.

29-kii December Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar Hoobiyeyaal loo adeegsaday waxa ay xilli habeen ah ku qaadeen mid ka mid ah saldhigyada Ciidanka Ethiopia ay ku leeyihiin degmada Xudur oo ka tirsan Gobolka Bakool.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post