Araweelo News Network
Bakool(ANN)-Masuuuliyiinta Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Ururka Al-Shabaab, gaar ahaan guutada Madaafiicda ayaa tiro madaafiic ah waxa ay ku garaaceen Saldhig ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin degmadaasi.
Weerarkaan madaafiicda ah ayaa wararka waxa ay sheegayaan xalay saqdii dhexe in lagu qaaday Saldhiga ciidamada Ethiopia Degmada Waajid, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.
Madaafiicda qaar ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen Saldhiga ciidamada Ethiopia ee Degmada Waajid, halkaasi oo suuragal ay tahay inuu ka dhashay khasaare.
Ilo madax banaan ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ay dhankooda rideen madaafiic culus oo jawaab ay uga dhigayeen kuwii lagu soo tuuray.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay madaafiicdaasi lagu weeraray Saldhiga ciidamada Ethiopia ee Degmada Waajid.
Ciidanka Ethiopia oo garab ka helaya kuwa Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa Howlgallo koox koox ah waxa ay ka wadaan Aagga ay u maleynayaan in laga soo tuuray Madaafiicda.
29-kii December Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar Hoobiyeyaal loo adeegsaday waxa ay xilli habeen ah ku qaadeen mid ka mid ah saldhigyada Ciidanka Ethiopia ay ku leeyihiin degmada Xudur oo ka tirsan Gobolka Bakool.