X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Madaafiic Ku Gaarcday Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho Iyo Weeraro Qaraxyo Ah Oo Khasaare Ka Dhashay

Araweelo News Network

Muqduisho(ANN)-Madaafiic Hoobiyayaal ah, ayaa lala beegsaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdosho, waxaana la xaqiijiyay in ugu yaraan dhawr Hoobiye lagu garaacay dhabaha diyaaradaha.
Sidoo kale weeraro qaraxyo ah, ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dhamaan weerarada Madaafiicda ah iyo qaraxyada ay sheegatay Al-shabaab, isla markaana ku doodeen inuu jiro khasaare ka dhashay weerarada ay qaadeen maanta.

Wasiirka Amniga Gudaha Dawladda Federaalka ah Maxamed Abuukar Islow, ayaa xaqiijiyay weeraradaa, isagoo sheegay in shacabka magaalada Muqdisho ay gacan ka geysteen arrinta oo ay Ciidanka ka caawiyeen sidii weerarkaa looga hortegi lahaa, taasoo sida uu sheegay sababtay in wada shaqeyntaasi ay caawisay in laga hortago kooxda hoobiyayaasha rideysay, isla markaana dagaal dhexmaray Ciidanka Dawladda iyo kooxdii Hoobiyayaasha ku garaacaysay Madaarka Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka goobta ka dhowaa, ayaa sheegay in rasaas ay is dhaafsadeen ciidamada dowladda Soomaaaliya iyo kooxda Al-shabaab, isla markaana wararka qaar ayaa sheegaya in laba ka mid ahaa kooxda la qabtay, halka mid kalena la dilay.
Sidoo kale Saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ay qabteen gaadhi walxaha qarxa ay ka buuxeen oo raggaasi ay wateen, balse wararka qaar ayaa xaqiijiyay in gaadhigaasi markii dambe uu qarxay, iyadoo aan si dhab ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay qaraxa gaadhigaa.

Dhinaca kale, Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, dhinaceeda sheegtay in qarax ay la kulmeen gaadiid kolanyo ay lahaayeen kadib markii qarax ka dhacay meel u dhow goobtii ay marayeen gaadiidka hay’adda oo ka mid ah gudaha wadooyinka magaalada Muqdisho.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, waxay sheegtay in Laba ka mid ah ilaalada la socotay gaadiidkooda uu dhaawac fudud kasoo gaadhay qaraxa, balse ma xaqiijin in weerarka qaraxa uu ahaa mid loo qorsheeyay gaadiidkooda iyo inuu ahaa mid ay la kulmeen.
Al-shabaab, ayaa muddooyinkii u danbeeyay weeraro qaraxyo ah si isdaba-joog ah uga fulinaysay gudaha magaalada Muqdisho, waxayna weerarada Al-shabaab noqdeen kuwo sii kordhay mudadii koobnayd ee xukuumadda Farmaajo talada la wareegtay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post