Araweelo News Network

alshabaab1Garoowe(ANN)Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa la wareegay Deeganka Mudug ee Gara-cad oo ku taal dhinaca Bari ee Somalia ee usii jeeda Badweynta India.
Wasiirka Amniga maamul goboleedka Somalia ee Puntland,Cabdi Xirsi Qarjab, ayaa ku gacan saydhay qabsashada ciidamada Al-shabaab ee deegaanka Gara-cad.

Kadib markii deegaanka shalay lagu arkay Doonyo ay saaran yihiin Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo ka degey Gara-cad oo hore u ahayd xarumaha kooxaha Budhcad-badeeda ka qawlaysta xeebaha Somalia ee usii jeeda Badweynta India, isla markaana ah meel istiraatiiji ah.

Hase yeeshee Wasiirka Amniga maamul goboleedka Somalia ee Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab, ayaa gaashaanka ku dhuftay jiritaanka wararka sheegaya in Ciidamo Al-shabaab ka socdaa qabsadeen deegaanka, wuxuuna ka war wareegay inuu faah faahin dhab ah ka bixiyo xaalada deegaankaa, balse wuxuu sheegay in ay jawaab cad ka bixinayaan

arrintaa saacadaha soo socda, isagoo dhinaca kale ku eedeeyay gelitaanka Al-shabaab ee deegaanka inay masuul ka tahay dawlada Federaalka ee Somalia oo uu sheegay inay fursad siiyeen in ciidamada Al-shabaab yimaadaan deegaanka gara-cad, isagoo sabab uga dhigay in dawlada Federaalku diiday shuruucdii lagu maamuli lahaa nidaamka federaalka , isla markaana sababta Al-shabaab u timi deegaankooda ay tahay, wuxuu ugu yeedhay qas iyo fawdo la doonayo in la geliyo maamul goboleedkooda Puntland.

Maamul goboleedka Somalia ee Puntland, ayaa mudooyinkii u danbeeyay dawlada Federaalka Somalia ku dhaliilayay arrimo baddan oo la xidhiidha hirgelinta nidaamka federaalka, balse Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaan ka hadlin eedaha maamulka Puntland iyo qabsashada Al-shabaab ee deegaanka Gara-cad oo dadka deegaanku u xaqiijiyeen warbaahinta gudaha.

Al-shabaab ayaa hore saldhig ugu lahayd deegaanka Buuraleyda Gal-gala ee duleedka Boosaaso, waxayna marar baddan weeraro ku qaaday magaalada Boosaaso dhawrkii sanadood ee u danbeeyay, balse kooxdaa oo xidhiidhisa dagaalyahanka Al-shabaab ee isaga talaabaya Bada cas ee marinka dhinaca Cadmeed ee dalka Yemen oo ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn ee ugxantu u taal Ururu weynaha Al-Qaida, isla marakana gudbisa hubka iyo saanada loo wado dhinaca Koonfurta iyo badhtamaha Somalia oo Al-shabaab awood ku leedahay, ayaa dhowaan kooxda hore ugu sugnayd Buuraleyda Gal-gala shaaciyeen inay ku biireen Ururka ka dagaalama Ciraaq iyo Suuriya ee la baxay kooxda dawlada Islaamiga ISIS, waxayna gelitaanka Gara-cad ee xilligan Al-shabaab muujinay inay qorshaynay sidii ay isugu balaadhin lahayd dhulka Buuralayda ee Istiraatiijiga ah oo raacsan xeebaha badda cas iyo badweynta India ee ku teedsan xeebaa Somalia,
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347