X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Khaarajisay Xildhibaan Iyo Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhiga Xildhibaan Cabdala Boos Oo Ku Dhaawacmay Weerarka

Mogadishu(ANN)Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir oo ka mid ahaa Xildhibaanada Dawlada Somalia, ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay weerar galabta isaga iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somalia Xildhibaan Cabdalla Boos lala beegsaday gudaha Magaalada Muqdisho.

Labada Xildhibaan oo watay gaadhi nooca loo yaqaan SUZUKI, ayaa Koox dablay ah oo aan la aqoonsan tiradooda, isla markaana watay gaadhi kuwa raaxada ah la beegsadeen tacshiirado rasaas ah xili ay marayeen maanta gelenkii danbe wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, taas oo sababtay geerida Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir iyo dhaawac soo gaadhay Xildhibaan Cabdala Boos oo loola cararay Cusbitaal ku yaal Muqdisho. Sidoo kale waxaa ku geeriyooday weerarkaa darawalkii gaaridha ay la socdeen labada Xildhibaan.
Dablayda weerarka fulisay oo aan tiradooda la ogayn, ayaa goobta ka baxsaday markii ay weerarka fuliyeen.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa si kooban uga hadlay weerarka lagu qaaday Labada Xidlhibaan, wuxuuna tacsi u diray qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Xildhibaanka geeriyooday.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaa sida lagu baahiyay Idaacada Andalus oo soo xiganaysay sarkaal u hadlay Al-shabaab oo sheegay inay weerarka ka danbeeyeen ciidamadooda sida gaarka ah u tababaran, waxayna weerardan ka dhacayaan magaalada Muqdisho, iyadoo Al-shabaab hore u balanqaaday inay ugaadhsanayaan Xildhibaanada Somalia iyo saraakiisha Dawlada oo ay weeraro sidan oo kale ah marar kala duwan ugu khaarajiyeen daraasiin isugu jira xildhibaano iyo saraakiil sare oo dawlada Somalia ka tirsanaa, kuwaas oo kooxaha fuliya weeraradu ka baxsadaan goobta.

Weerarka, ayaa kusoo beegmay, iyadoo saacado ka hor subaxnimadii Koox hubaysani weerar ka fuliyeen Degmada Wadajir, kuwaas oo ku toogtay laba sarkaal oo aan magacyadooda la shaacin, balse sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Al-shabaab Sh. Cabdicasiis Abuu Mascub u shaqaynayay wasaaradda Gaadiidka ee Dawlada Somalia, waxayna dablaydu sida wararku sheegayaan ka baxsadeen goobta markii ay fuliyeen weerarkaa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post