X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Ka Hadashay Weerrar Khasaare Dhaliyay Oo Ay Ka Fuliyaan Muqdisho

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Mas’uuliyadda weerrar xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay goob lagu tunto oo ku taal degmada Hodon magaalada Muqdisho.

War laga baahiyay idaacadda Andalus ayaa lagu sheegay in weerrarkaa Oo aad u xoogganaa uu fiidkii ka bilaawday magaalada Muqdisho, Kaddib markii sida ay sheegeen koox ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerrarkaa ku qaaday Kalaab lagu caweeyo oo ay ku kulmaan inta badan Ajaanibta, Saraakiisha dawlada iyo shaqaalaha kooxda ka hawlgala dawlada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid miisaan weyn ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaadhay gaadiidka caafimaadka kuwaasi oo halkaasi ka daad gureeyay meydad iyo dhaawacyo.

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu bilaabay gaadhi waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay markaa Kadibna waxaa bilaabmay toogasho ay fulinayeen ciidamo hubeysan “Weerarka ayaa ku bilowday camaliyad Istish-haadi ah oo uu fuliyey halyeey hogaaminayey gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa, ka dibna majmuuca ka tirsan mujaahidiinta ayaa xoog ku galay dhismaha Hotelka” ayaa lagu yidhi warka lagasii daayay idaacadda Andalus.

ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ragga weerarka qaaday ay si buuxda ula wareegeen dhismaha Kalaab oo ah dhisme ka kooban dhowr dabaq waxaana halkaasi ka dhacay toogashooyin aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay, balse Wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan Labaataneeyo ay ku jiraan saraakiil dawlada Iyo Hay’addaha kale Ka tirsan ku dhinteen, Isla markaana Uu Jiro dhaawac intaa Ka badan.

Cutubyo katirsan ciidamada Mareykanku tababaray ee Alpha Group loo yaqaan iyo ciidamada AMISOM ayaa dagaal adag ka wajahay ragga hubeysan ee ka dagaallamaya dhismayaasha isku dhow ee Hotel Posh iyo Pizza House sida ay sheegeen wariyaal ka ag dhow goobta howlgalku ka socdo, wuxuuna hawlgalku Ka Socda halkaa soo gaadhay saaka aroortii.

goobta la weeraray ee Posh Hotel iyo goob lagu caweeyo waxaa ku kulma saraakiisha DF-ka iyo shaqaala dowladeed, sidoo kale waxaa kalaabka qoobka ciyaar kusoo bandhiga sida ay sheegtay Alshabaab haween udhashay wadamada Kenya iyo Itoobiya iyo ajaanib kale.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post