X

Al-shabaab Oo Ka Hadashay Qaraxii Muqdisho Ee Sababay Dhimashada Iyo Dhaawaca Boqolaal Shacab Ah

Ex-Kantarool Afgooye oo qarax ka dhacay 28 Desember 2019, Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Xarakada Al-shabaab, ayaa ka hadashay qaraxii khasaraha badan dhaliyay ee Sabtidii December 28th, 2019, ee ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee galbeedka magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimashada in ka baddan 100 qof, isla markaana dhaawacyo kasoo gaadheen in ka baddan boqol qof oo shacab ah, kuwaas oo u badnaa Araday jaamacadeed iyo dad shacab ah oo xoogsato ah.

Af-hayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sharaxay sababta ay qaraxaa ula beegsadeen isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho iyo ujeedada bar-tilmaameedkoodu ahaa.
Sheekh Cali Dheere, wuxuu ku faah-faahiyay dhawaaqa ay kaga hadlayaan qaraxii halkaa ka dhacay iyo dadka lala beegsaday, wuxuuna sheegay in qaraxaas ay la beegsadeen Kolonyo isugu jirta Turki iyo maleeshiyaad uu sheegay inay ahaayeen Soomaali, kuwaas oo uu sheegay in khasaare lixaad leh la gaadhsiiyay.

“Mujaahidiintu waxay maalintii sabtidii qarax la beegsadeen Kolanyo Konalyo cadaw ah oo Turkigii duulaanka ku ahaa ummaddeena iyo Malayshiyaadkii murtidiinta ee ilaalada u ahaa, kuwaas oo ahaa Kolanyo Baabuur oo marayay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, weerrarkaa oo haleelay, isla markaana khasaare laxaadle u geystay Turkigii duulaanka ku ahayd Ummaddeena iyo malayhsiyaadkii ridada.” ayuu yidhi, Sheekh Cali Dheere oo codkiisa oo duuban lagu shaaciyay warbaahinta taageerta Al-shabaab.

Balse Sheekh Cali Dheere ayaa qiray in qaraxaasi khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hantiyeed u geystay dad shacab ah oo qaraxaas la kulmay xilli ay wadada marayeen, wuxuuna sheegay inay aad uga xun yihiin in dad shacab ah ay naftooda ku waayaan qaraxaa, isagoo xusay inay ka tacsiyaynayaan dadkii dhibaatadu kasoo gaadhay, ama ehelkooda ku waayay qaraxaa, ama hantidoodu ku burburtay.

Sh. Cali Dheere, wuxuu sheegay in sababta ay arrintaa uga hadleen ay tahay, iyagoo ka damqanaya in Ummadda dhib soo gaadho, sidaa awgeed ay khasab noqotay inay uga tacsiyeeyaan, wuxuuna xusay in gaadiidka dadka shacbka ah lagu celiyay goobta Kantaroolka oo lala sugay qaraxa ay la beegsanayeen Turkiga iyo Malayshiyaadka ilaalinayay , taasina ay sababtay in khaasaraha intaa leeg kasoo gaadho dadka shacabka ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in weerraradoodu aanay ahayn kuwo lagu beegsanayo dadka shacabka ah, isla markaana ay aoonsan yihiin sida Illaahay xarimay dhiiga muslimiinta, isla markaana haddii ay doonayaan dad shacab ah aanay ku qarxiyeen isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, balse ay jiraaman duruufo uu sheegay inay ku gadaaman yihiin oo u baahan inay dadka shacabka ah ay fahmaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post