X
    Categories: Warar

Al Shabaab Oo Ka Hadashay Khilaafka Soomaaliya Iyo Xilka Laga Qaaday Khayre

Image Copyright Araweelo News Network Al-Shabaab traveling in a car in Somalia April 2016

Muqdisho(ANN)-Al-shabaab, ayaa ka hadashay siyaasada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo khilaafka ka dhashay xilka laga qaaday ra’iisal wasarihii hore Xasan Cali Khayre oo xukuumadda Madaxweyne Farmaajo iyo Baarlamaanku kala kulmeen dhawaaqyo canbaarayn ah.

Afhayeenka Ururka Al shabaab Cali Maxamuud Raage oo ku magac dheer Sheekh Cali Dheere, ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya madaxda Dawladda Federaalka ee beesha caalamku taageerto ee Soomaaliya, gaar ahaan talaabadii baarlamanku kalsoonida kagala noqday xukuumaddii Khayre Sabtidii hore ay horseeday bur-bur iyo in ay soo saartay wejigooda runta ahaa.

Afhayeenka Al shabaab hadal uu jeediyey maalintii Ciidal Adxa ka jeediyay wuxuu ku tilmaamay faashil hor leh oo ay waajahday hogaaminta waxa uu ugu yeedhay murtidiinta daba Dhilifka u ah gaalada.


Kooxda Al shabaab, ayaa dagaal kula jirta Dawladda Soomaaliya iyo xooggaga nabad-ilaalinta howlgalka AMISOM ku joogga dalka.


Hase yeeshee hadalka sheikh Cali Dheere, ayaa iftiimiyey in kala tagga Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihiisii uu meesha ka saarayo wixii ay sannado badan ku faanayeen.

Waxa uu sheegay in kuwii garab taagnaa ee caawinayey ay iminka ku canaanayaan ficilada gurracan ee ay ku kacayaan, isagoo hadalkaa uga jeeday walaaca beesha caalamku ka muujisay talaabadii uu baarlamanku ku riday Xukuumadda.

“Kuwii Murtidiina ahaa ee gaalada daba-dhilifka u ahaa waad aragtaan halka liidata ee ay maanta taagan yihiin la-dagaalankii Diinta Islaamka ee ay heshiiska ku ahaayeen kama doojin waxaan khilaaf iyo kala-carar ahayn.

wax badan oo ay bulshada isugu muujinayeen in ay yihiin dad dalkooda u danaynaya maanta waxa ay la soo baxeen wajigoodii dhabta ahaa, sida midba midka kale ugu eeddeynayo in uu danihiisa gaarka ah fushanayo, xaqiiqaduna waxa ay tahay in ay dhamaantood daba dhilifyo ahaayeen.”

Afhayeenka Al shabaab ayaa isagoo hadalka sii watada intaasi raaciyey “Waa kuwaas maanta wixii ay sanado badan soo dhisayeen gacantooda ku duminaya, wadamadii dhaqaalaha iyo ciidanka ku taageerayay ayaa canaan la daba taagan, waliba ka shalaynaya wixii hanta iyo taageero ay ku bixiyeen” ayuu yidhi Afhayeenka Al-Shabaab.

Al shabaab marna taageero uma muujin siyaasadda Dawladda ku dhisan nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaanu hadalka Sheikh Cali Dheere u muuqdaa ku wiirsi iyo dhaliil uu ku durayo nidaam aanu marka horeba samaantiisa iyo xumaantiisa kala jeclayn.

Cali Dheere, waxa uu Ciidamada Ururkiisa ku guubaabiyey in ay sii wadaan gulufka ay kula jiraan waxa ay u aqoonsan yihiin kuwa xaqa baalmarsan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post