X

Al-shabaab Oo Iska Fogaysay Dilka Haweenay Sirdoonka Somalia Ka Tirsanayd Oo NISA U Xanbaarisay

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)- Dagaalyahanka Al-shabaab ayaa been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay in ay dileen Gabadh magaceedu ahaa Ikraan Tahliil Faarax oo muddo dhawr bilood ah aan la hayn raq iyo ruux, balse Hay’adda NISA ee sirdoonka Somalia sheegtay in kooxda Al-shabaab dishay.

Hay’adda NISA, ayaa sidaa ku faafisay xalay barraha Internetka, laakiin Al-shabaab ayaa arrintaa ku tilmaantay mid been abuur iyo masabid ah oo aannay waxba kala socon gabadhaa oo u shaqaynaysay Hay\adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, isla markaana marar badan  saraakiisha Hay’adda wax laga weydiiyey, iyadoo la rumaysnaa in ay gacantooda ku jirto.

Hase yeeshee markii xalay ay Hay’adda siroodnka  faafisay warka ah in gabadhaa ay dileen Al-shabaab, waxay layaab ku noqotay inta badan Buslhada la socotay sheekada gabadha iyo waalidkeed, waxayna rumaysnaayeen in ay ku jirto gacanta Taliyaha Sirdoonka Fahad Yaasiin. Al-Shabaab ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay eedaynta lala xidhiidhay gabadhaa, waxayna gaashaanka ku dhufatay in ay ku lug leeyihiin dilka la sheegay in lagula kacay Ikraan Tahliil Faarax,

“Kama dammbeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysa hay’adda NISA, la yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowladda nagu masabido dilka gabadhaas,” sidaa waxa lagu yidhi, war qoraal ah oo ay maanta Al-Shabaab soo saartay.

Dhinaca kale, Hooyada dhashay Ikraan ayaa hore u sheegtay in haddii la dilo Gabadheeda ay u heysato Fahad Yaasiin, oo ah taliyaha NISA iyo gacanta midig ee madaxweyne Farmaajo.

Taliyihii hore ee Sirdoonka Somalia, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa Idaacadda  BBC-da u sheegay in uu ahaa qofkii shaqada qoray Ikraan Tahliil, sidaa awgeed uu shaki ka qabo sida dilkeeda loo sheegayo in ay wax uga jiraan.

Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa Khamiistii shalay waxay ku dhawaaqday “in Al-Shabaab ay dishay Ikraan Tahliil Faarax kadib markii ay u gacan gashay, waxaana Qoraalka kasoo baxay NISA , ee ka hadlay dilka gabadha ciwaan looga dhigay “Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi” waxaana lagu xusay “in NISA  ay ku daba jirto, waxay ku tilmaantay dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah”.sida lagu sheegay qoraalka NISA.

Arrintan, ayaa kusoo beegantay, kaddib markii todobaadkii hore ay Hooyada dhashay  Ikraan ay ku hanjabtay in ay qadiyada Gabadheedu  isku rogi doonto dagaal qabiil, haddii cadaalad ay u heli wayday Inanteeda.

Ilaa hada si cad looma ogga gabadhan oo la waayey laba bil ka hor geeri iyo nolol, waxaana arrinta NISA shaacisay ka cadhooday xildhibaano iyo amsuuliyiin kale, kuwaas oo ugu baaqay ra’iisla wasaare Rooble in uu tallaabo deg deg ah qaado.

Ikraan Tahliil Faarax oo 23 jir ahayd, ayaa xilal kala duwan kasoo qabatay, waxayna mar ahayd Agaasimaha Xafiiska Duqa Magaaladda Muqdisho, xilligii Eng. Abdirahman Yriisoow , waxayna markii danbe ay ku biirtay  April 2017, Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Waxay noqotay Madaxa amniga internet-ka iyo madaxa xafiiska xuquuqul insaanka, sidoo kale, waxay soo qabatay xilal qarsoon, balse labadii ee u danbeeyay waxa la waayay raq iyo ruux meel ay jaan iyo cidhib dhigtay, waxaana la tuhunsanaa in ay ku xidhantahay xarunta sirdoonka, ka hor intii aannay Hay’adda NISA shaacin geerideeda 3 September 2021.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post