X
    Categories: Warar

Al-shabaab oo guullo ka sheegatay dagaalo ay la gashay ciidamada kenya iyo kuwa dawlada somalia

Geddo(ANN)Taliska ciidanka xarakada Al-Shabaab ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo dhiigbadan ku daatay oo ay sheeger in ciidamadoodu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobollo dhaca Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Sheekh CabdiCaziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidanka Al Shabaab ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Islaamiga Andalus ku sheegay in dagaallo khasaara xooggan dhaliyay oo ciidanka Kenya ku qabsaday gobolka Geddo iyo dagaalkii shalay ka dhacay Yaaqbari weyne oo sida uu sheegay ciidamada Mujaahidiintu ay si buuxda kula wareegeen deegaanka.

Abuu Muscab waxa kale oo uu sheegay in dagaallo saaka waaberigii hore ka dhacay deegaanno hoos yimaada degmooyinka Baardheere iyo Ceel-cali lagu dilay 15 Askari Kenyan ah, islamarkaana gaadiid dagaal ày ku qabsadeen.

Sidoo kale Afhàyeenka Al-shabaab Sheekh Abuu Muscab, wuxuu sheegay in dagaallo ka dhacay gobollada Shabeelaha Hoose,Hiiraan iyo Galguduud ay guullo ka gaadheen.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post