X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Gudaha Dalka Kenya Ku Weerartay Gaadiid Ciidammada Kenya Wateen

Gaarisa (ANN(Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday gaadiid ay wateen ciidammada Kenya oo marayay meel ku dhow magaalada Mandheera, Gobolka Woqooyi-bari ee dalkaas habeennimadii Isniinta.
Wararka ayaa sheegay in uu weerarkaas ciidanka Kenya kaga dhintay hal askari, halka laba kalena ku dhaawacmeen.
Guddoomiyaha Degmada Mandheera Mr. Fredrick Shisia, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidanka kolonyada ahaa ee la weeraray ka baxeen caasimadda Nairobi, kuna socdeen Mandheera, kuwaas weerar gaadmo ah lagula beegsaday nta u dhexeysa degaannada Elwak iyo Lafey oo ku yaal gudaha dalka Kenya.
Mr. Fredrick waxa uu tibaaxay inay la yaabban yihiin in dagaalyahannada Al-shabaab u dhaafeen ciidanka Kenya oo jooga xadka Soomaaliya, isla markaana ugu suurtogashay noqotay inay galaan gudaha dalkooda, weerarna ka geystaan.
“Weerarkaasi wuu jiraa, waxana lagu dilay askari ka tirsan ciidammada Kenya, laba kalena dhaawacyo ayaa soo gaadhay,” ayuu yidhi Guddoomiye Shisia oo saxaafadda kula hadlay magaalada Mandheera shalay.
Kenya waxa ka jooga waddanka Soomaaliya kumannaan askari oo ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, inkastoo Al-shabaab hore u sheegtay inay dalkaas ka geysan doonto weerarro khasaare badan dhaliya.
Al-shabaab ayaa weerarro kala duwan hore uga fuliyey gudaha Kenya, kuwaasoo intooda badan ka dhacay degaannadaG obolka Woqooyi-bari oo Soomaalidu ka dagto dalkaas.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post