X

Al-shabaab Oo Galaalaftay Saldhig Millateriga Soomaliya Ku Lahaayeen Duleedka Muqdisho

#Araweelo News Network.

 

Muqdisho (ANN)-Xarakada Al- Shabaab, ayaa sheegtay in ciidankoodu saaka waaberigii ku qabsadeen weerar jarmaado hore ah deegaanka Hilawle ee Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku waaberiisteen saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dawladda.

Weerrarka Al-shabaab ku qaaday deegaanka Shabeelaha Dhexe ee duleedka Muqdosho, waxay sheegeen in Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo aroornimadii hore ee saaka weerar xoogan ku qaaday xerada ciidanka dawladda Federaalka ee Soomaaliya deegaanka Hilawle-Gaab kula wareegeen oo fadhiisin u ahaa Ciidanka Dawladda Federaalka.

 

Al-shabaab, waxay sheegeen in weerrarka ay ku dileen askar baddan, isla markaana ku qabsadeen hub iyo saanad Millateri oo baddan, sidaana waxay ku sheegeen war kasoo baxay Taliska Millateriga Al-shabaab.

Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab, Sheekh Cabdi Casiis Abu Muscab, ayaa sheegay in weerrarkaas ay ku dileen ugu yaraan 31 ka mid ah Askarta dawladda Federaalka, isla markaana lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.

Sidoo kale, Abu Muscab, ayaa sheegay inay howlgalkaas uu ahaa mid ay kusoo Qaniimaysteen ugu yaraan 5 ka mid ah gadiidka isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa xamuulka ee saadka iyo ciidanka lagu qaado, halka sidoo kalena ay kasoo daabusheen saldhigaa saannad isugu jirta, hub iyo qalab Millateri.

Warka kasoo baxay Al-shabaab oo lagu baahiyay Degelada inta baddan lagu baahiyo warar ka Al-shabaab, wuxuu Afhayeenka Abuu Muscab ku sheegay in weerrarkaas, sidoo kale lagu dilay 5 kamid ah shaqsiyaad uu ku tilmaamay madaxyo weyntii hogaaminayay gulufka lagu soo qaaday wilaayada Islaamiga ee Shabeelada dhexe, kaas oo sida uu sheegay ahaa weerar ka dhan ahaa shareecada Islaamka.

“Allah fadligii waxaan howlgalkaas ku dilnay ugu yaraan 31 murtad oo ay ku jiraan 5 sarkaal oo kamid ah saraakiishii hogaaminayay duullaanka shareeca la dirirka ah ee lagu soo qaaday wilaayada Sh/dhexe, waxay sidoo kale Mujaahidiintu soo furteen 5 gaadhi, iyadoo sidoo kalena aan burburinay 8 gaadhi oo kale” ayuu yidhi, war-qoraalka Sh. Abu Muscab, wuxuuna xusay inay soo bandhigayaan gadiidka ay qabsadeen iyo khasaaraha ay geysteen.

Dhinaca kale, xukuumadda Federaalka ah, ayaan weli ka hadlin sheegashada Al-shabaab oo dhowaan laga qabsaday deegaanka iyo meelo kale oo Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya ah, balse weerrarkan oo aargudasho ah, waxay sidoo kale Al-shabaab weerraro qaraxyo iyo dilal qorshaysan weli ka wadaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada iyo Beled weyn iyo meelo kale.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post