X
    Categories: Warar

Al-Shabaab Oo Fariin Hanjabaad Ah Usoo Dirtay Somaliland

Araweelo News Network

Fuaad shangole

Hargeysa(ANN)Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia, ayaa fariin hanjabaad ah usoo dirtay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay ku eedeeyeen inay Kitaab magaciisu yahay Al-Walaa- Wal Baraa, kaas oo ay sheegeen in laga mamnuucay Somaliland.
Fariin cod ah oo lagu baahiyay Shebekada Somalimemo maanta, waxa uu Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shangole), ku sheegay in Kitaabkaa xukuumadda Somaliland ka joojisay in masjdada iyo Medaaraska Islaamiga a looga maiyo dhalinyarada da’dooda ka yar tahay 20 sano gabdho iyo wiilal in aanay akhrisan karin kitaabka Al-walaa Wal-baraa.
Al-shabaab, waxay hanjabaadooda ku sheegeen inay jawaab ka bixinayaan tallaabada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyagoo fariintaa ku sheegay in ay waqtiganba meel aan ka fogayn Hargeysa oo 8km u jirta ku sugan yihiin.
Waxay sheegeen in Go’aanka Somaliland ku mamnuucday kitaabada caqiidada uu kusoo beegmay waqti bilo ka hor maamulka Kurdiyiinta ee kajira waqooyiga Ciraaq mamnuucay kitaabada ay qoreen sheykhul islaam Ibnu Teymiya,Cutheymiin iyo Al-albaani, iyagoo kitaabadaasi ku sifeeyeen kuwa muslimiinta Faraya, waxay ugu yeedhee dhiirigelinta’Argagaxisada.

Dhinaca kale xukumadda Somaliland, ayaan weli jawaab ka bixin fariinta hanjabaada ah ee Al-shabaab iyo sheegashada ay sheegteen inay ku sugan yihiin meel aan 8km ka fogayn magaalada.
Masuuliyiinta Arrimaha Guddaha Somaliland I yo Waaaradda Diinta iyo Awqaafta oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino arrimahaa

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post