X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Fagaare Laba Nin Gacmaha Kaga Jaray

Araweelo News Network

Muqdisho (ANN)- Kooxda Al-shabaab, ayaa laba nin oo lagu eedeeyey tuugo gacmaha kaga jaray fagaare ku yaal degaanka Kuntuwaarray oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee dalka Soomaaliya.
Labada nin oo magacyadooda lagu sheegay Cabdulqaadir Maadeey Roobow iyo Maadeey Eenow, waxa fagaare dad badan daawanayeen mid kasta lagaga jaray gacanta midig, kadib markii maxkamad Al-shabaab leedahay ku ridday xukun ah inay xadeen dukaan ku yaal degaanka Kunturwaarray oo ay maamulaan.
Ragga lagu fuliyey xukunka gacan go’aynta ah oo da’doodu tahay 20 jir, ayaa Maxkamadda Al-shabaab ku eedaysay inay inay lacag iyo teleefanno xadeen dukaankaas, kadibna waxay ku xukuntay in mid kasta gacanta midig la gooyo.
Kooxda Al-shabaab ayaa marar hore sidan oo kale dhowr qof oo lagu eedeeyey xatooyo gacmaha ugu gooyey degaannada ay ka taliyaan ee koofurta Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post