X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Fagaare Kusoo Bandhigay Guddoomiye Degmo ay Qafaasheen

Araweelo News Network

Jilib – Soomaaliya – (ANN)- Kooxda Al-shabaab markii ugu horreysay fagaare ku soo bandhigay guddoomiyihii maamul-goboleedka Soomaaliya ee Jubbaland u qaabilsnaa degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Dhexe oo dagaalyahannadoodu maalmo ka hor qafaasheen.
Guddoomiyihii degmada Afmadow oo lagu magacaabo Cabdisamad iyo wiil uu dhalay, ayaa xoogagga Al-shabaab ku soo bandhigeen fagaare ku yaal magaalada Jilib, Gobolka Jubbada Dhexe ee Soomaaliya oo ay maamulaan gelinkii hore ee shalay.
Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo boqollaal qof oo shacab ah kula hadlay fagaaraha lagu soo bandhigay masuulkaas oo ku yaal badhtmaha magaalada Jilib, ayaa sheegay in guddoomiyihii hore ee Afmadow ku qabteen hawlgal dagaalyahannadoodu ka fuliyeen gudaha degmadaas toddobaadkii hore, kaas oo ay xuseen inay haatan dacwaddiisu socoto, isla markaana dhowaan ku fulin doonaan xukun.
“Kolley waa na tuseen, waxayna nagu yidhaahdeen dacwad ayaa ku socota, xukunka ka soo baxana waa lagu fulin doonaa, haddii uu dil noqdo iyo haddii kaleba.” Sidaa waxa yidhi qof ka mid shacabka degaanka Jilib oo ka qaybgalay fagaaraha Al-shabaab ku soo bandhigeen Guddoomiye Cabdisamad iyo wiilka uu dhalay ee gacantooda ku jira.
Geesta kale, masuuliyiinta Al-shabaab ee fagaarahaas ka hadlay ayaa wacad ku maray in ay gacanta ku dhigi doonaan cid kasta oo la shaqaysa maamul-goboleedka Jubbaland iyo dawladda taagta daran ee Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post