X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Dhagax Ku Dilay Haweenay Iyo Jawaabta Culimada Qaarkood Ka Bixiyeen

Araweelo News Network

Al Qaeda-allied Al Shabaab intends to topple Somalia’s west-backed government

Saakow-Jubbada Dhexe (ANN)-Ururka Al-Shabab ayaa haweenay ku dilay magaalada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku kacday fal sino ah. Al-Shabab ayaa ku eedeeyey in haweenaydan ay laba guur gashay.

Warar ay heshay idaacadda VOA, oo warkan aanu kasoo xiganay, ayaa sheegay in haweenaydaas ay kala tageen nin hore u qabay kadib markii ay taageero ka weyday, isla markaana ay waalidkeed ka dalbatay in laga furo sidaana lagu aqbalay dalabkeeda furiinka.

Warar kale ayaa sheegaya in ninka hore uu ku adkaystay furitaanka,  balse waalidiinta oo adeegsanaya culimo ay ka fureen. mana jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya in haweenaydaasi laba nin isku mar guursatay. Waxaa kale oo aan la xaqiijin in haweenaydu ay qiratay arrintaasi maadaama maxkamadaha Al-Shabab aanay ahayn kuwa dadweynaha u furan.

Al-Shabab ayaa magaca haweenayda ku sheegay Xabiiba Cali Isxaaq, waxaana la sheegay inay da’deedu ahayd 30  jir. Xabiiba Cali Isxaaq ayaa noqonaysa qofkii labaad ee sannadkan gudihiisa ay Al-Shabab ku dilaan dhagax.

Bishii May ee sannadkan ayaa deegaanka Raama Caddey Al-Shabab waxay sidaasi oo kale dhagax ku dileen nin lagu magacaabo Dhaayow Maxamed Xasan oo lagu eedeeyey inuu sino gaystay, taasi oo aan sidaasi oo kale loo xaqiijin si madaxbannaan.

Culimada Soomaalida ayaa dhalleeceeyey dilkan ugu dambeeyey ee ay Al-Shabab gaysatay.

Sheekh Cabdiraxmaan Shariif, imaamka masjidka Daarul Hijra ee magaalada Minneapolis, ayaa sheegay in eedaha Al-Shabab ee ah inay haweenaydaasi qiratay ay yihiin kuwo aan sal lahayn. Waxa uu sheegay in qofka ku nool cabsi iyo argagax aan la aqbali karin qirashadiisa.

Sheekh Cabdiraxmaan Shariif ayaa intaa ku daray in Al-Shabab ay yihiin urur aan sharci ahayn sidaa oo kalena garsoorka ay fuliyaan uu noqonayo mid aan sharci ahayn.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post