X
    Categories: Warar

Al-shabaab oo Dagaal Culus Kadib Xoog Kula Wareegay Saldhiggii Millatariga ee Difaaca Baydhabo

Araweelo News Network

Baydhabo (ANN)- Dagaalyahannada kooxda Al-shabaab, ayaa dagaal aad u qadhaadh kadib si buuxda ula wareegay gacan-ku-haynta saldhig ciidammada dawladda Soomaaliya ku lahaayeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta u ah maamul-goboleedka Koonfur-galbeed duhurnimadii.
Xoogagga Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday fadhiisimo millatariga maamul-goboleedka Soomaaliya ee Koonfur-galbeed ku lahaayeen deganka Goofgaduud oo qiyaastii 30km u jira Baydhabo, kadib waxa halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal khasaare ballaadhan dhaliyey oo muddo saacado ah socday.
Afhayeen u hadlay Al-shabaab, ayaa sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen degaanka Goofgaduud ku dileen 17 askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, tiro kale oo intaas aad uga badanna ka dhaawaceen.
Sidoo kale, weriye ku sugan degaanka lagu dagaallamay, ayaa warbaahinta u sheegay in cusbitaalka magaalada Baydhabo la geeyey meydad iyo dhaawacyo tiro badan oo ka mid ah ciidanka maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ee xoogagga Al-shabaab dagaalka kagala wareegeen saldhiggoodii Goofguduud.
Ilaa hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay duleedka Baydhabo.
Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan millitariga Soomaaliya, ayaa xaqiijiyey in ciidan gurmad ah oo ka baxay Baydhabo qarax miino lagula eegtay intii aanay gaadhin degaanka degaanka Goofgaduud ee dagaalku dhacay, isla markaana uu jiro khasaare aannu xusin baaxaddiisa.
Hase ahaatee, warar madaxbannaan ayaa tibaaxay inay qaraxaas ku dhinteen ugu yaraan 12 askari oo ka tirsanaa ciidanka gurmadka ah ee ka baxay Baydhabo, sidoo kalena ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 kale.
Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo, ayaa waxa soo wajahday cabsi weyn oo dhalatay duullaanka xooggan ee dagaalyahannada Al-shabaab kula wareegeen saldhiggii ugu weynaa ee ciidammada dawladda Soomaaliya ka difaacayeen magaaladooda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post