X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Dad Kenyaan Ah Qaab Argagax Ah Ugu Dishay Gudaha Dalkaa

Araweelo News Network

 

Booliska Kenya ee soo gaadhay qaar ka mid ah maydadka dadka

 

Nairobi (ANN)- Kooxda Al-shabaab, ayaa dilal ka fulisay deegaanka Lamu ee raacsan dhinaca xeebta ee gudaha dalka Kenya, kadib markii dadkaa lagu eedeeyay in ay ku jireen hawlo basaasnimo oo ka dhan ah Al-shabaab.

 

Meydadka Afar qof oo qoorta laga jaray,  ayaa laga helay xaafad ku taal degmada Lamu ee xeebta dalka Kenya subaxnimadii hore ee Arbacada. sidaana waxa xaqiijiyay Guddoomiyaha Lamu Mr. Gilbert Kitiyo, oo warbaahinta u xaqiijiyey in xoogag ka tirsan Al-shabaab saddex ka mid ah dadkaas ku gawraceen degaanka Silini-Mashambani oo ka tirsan degmadiisa, halka qofka afraadna qoorta lagaga jaray tuulada Bobo.

Waxa kaloo Guddoomiye Kitiyo sheegay in dagaalyahanno aad u hubaysan oo tiradoodu tahay 30 xubnood ay guri-guri u galayeen tuulooyinkaas, iyaga oo dadka ay raadinayaan magacyadooda ku dhawaaqaya, kadibna inta ay la soo baxeen gowracay.

Mr. Gilbert waxa uu intaas ku daray in ragga weerarkan fuliyey ku lebbisnaayeen dirayska millatariga, isla markaana ku hubaysnaayeen qoryaha fudud ee loo yaqaan AK-47.

Afhayeenka Hawlgallada ee Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa sheegay in dagaalyahannadoodu ka dambeeyeen gawraca dadkaas oo uu tiradooda ku sheegay 5 qof, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay hadimooyin u geysteen ururkooda.

Sidoo kale, wargeyska The Washington Post iyo wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa baahiyey in bil ka hor degaannada Lamu ee dalka Kenya lagu gowracay 12 qof.

Warku waxa uu sheegay in ciidammada booliska Kenya jidadka ka qaadeen meydadkii dadka la gawracay si loo aaso.

Degaanka Lamu waxa uu ka mid yahay degaannada ay xoogagga Al-shabaab hawlgallada iyo weerarrada ugu badan ka geystaan gudaha dalka Kenya, waxaanay sidan oo kale hore ugu dileen dad isugu jira ciidan iyo shacab, iyagoo xiliyo kala duwan weerarro ku qaaday halkaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post