X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Bur-buriyay Qalab Isgaadhsiin Shirkada SAFARICOM Ee Kenya Leedahay

Araweelo News Network
Mandheera(ANN) Al-shabaaba ayaa weerrar bur-burin ah ku qaaday qalab isgaadhsiin oo ku yaalay duleedka magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi bari ee Kenya, waxayna si gaar ah u bar tilmaameedsadeen oo ay ku bur-buriyeen Ateenooyin isgaadhsiin oo ku yaalay deegaanada Lafey iyo Fino ee Mandheera.
Qalbka Al-shabaab bur-burisay oo ay lahayd shirkadda isgaadhsiinta Safaricom ee dalka Kenya ayaa ahaa Ateenooyinkan, kuwaas sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Bosita Omukolongolo oo ah Taliyaha booliska deegaanka Lafey lagu xidhay Miinooyin kaddibna la qarxiyay.
Taliyaha booliska degaanka Lafey Mr. Bosita Omukolongolo, ayaa saxaafadda u sheegay in dablaydaasi weerarka xarunta isgaadhsiinta fuliyeen abbaaro 2:00 habeennimo ee Khamiista, halkaas dagaal kooban ku dhexmaray ciidammada ammaanka ee Kenya.

Taliyaha Booliska deegaankaa, ayaa ku eedeeyay falkaa Xarakada Al-shabaab, wuxuuna xusay in Ka hor inta aan la bur-burin isgaarsiinta deegaankaasi, iska hor imaad ayaa dhex maray ciidamada ammaanka iyo dagaalyahano ka tirsan maleeshiyada Shabaab, basle ma sheegin Taliyaha Boolisku khasaare dhaafsiisan qalabka isgaadhsiinta ka dhacay halkaa.

Al-Shabaab ayaa dhowaan bur-buriyay Ateenooyin ay laheyd Shirkada Safaricom oo ku yaala aga-gaarka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay ku dhowaad 10 askari oo ka tirsanaa ciidammada waddanka Kenya ku dileen weerar ay ku qaadeen degaannada degmada Mandheera, xarunta Gobolka Woqooyi-bari ee dalkaas maalintii Arbacada.
saraakiisha ciidanka Kenya ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in xubno Al-shabaab ah weerar gaadmo ah la eegteen cutubyo ka tirsan ciidammadooda oo ku sugnaa degaannadaas, kadibna halkaas ka baxsadeen

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post