X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Askar Maraykan Ah ku Dishay Somalia

Araweelo News Network

The US military dispatched dozens of troops to Somalia on a mission allegedly aimed at training the African country’s forces to confront terrorist groups, April 14, 2017. (File Photo)

Muqdisho(ANN)-War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegtay in ay fashilisay duullaan ay ciidamo Mareykan ah ku qaadeen deegaan dhaca duleedka degmada Afgooye.

Sheekh Cabdulcasiis Abuu Muscab Oo ah Afhayeenka ciidanka Al-Shabab ayaa warbaahinta u sheegay in weerar xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam ay ku dileen ciidamo Mareykan ah, islamarkaana ay qabsadeen hub iyo agabyo kale oo ay ka carareen ciidamada Mareykanka.

Al Shabaab waxay xaqiijisay in khasaara lixaad leh ay dhaxalsiisay ciidamada Mareykanka oo xalay saqdii dhexe iyagoo diyaarado casri ah wata ku degay deegaanka Daarusalaam waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus. Sida ay sheegayaan Wararka.

Afhayeenka Al-shabaab Abuu Muscab ayaa carrabka ku adkeeyay in ciidanka Mareykanka ee Soo Weeraray aanay gaadhin ujeedadii ay Ka lahaayeen duullaanka, islamarkaana ciidamada Maaykanku ay dib ugu laabteen halkii ay kasoo duuleen iyagoo guul darraystay oo dhimasho iyo dhaawac la gaadhsiyay.

“Ciidamo Maraykan ah, ayaa xalay weerar fashlmay kusoo qaaday Magaalada Daaru-Salaam ee Shabeellada Hoose, diyaarado ayay ku yimaadeen kadibna dhulka ayay usoo degeen, Mujaahidiinta ayaa dharbaaxo adag ku dhiftay waana la jebiyay” ayuu yidhi, Sheekh Abu Muscab.

Afhayeenka ciidanka Al Shabaab oo la hadlayay idaacadda Andalus ayaa isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, ” Mujaahidiintu way la socdeen duullaanka cadawga, wayna u diyaargaroobeen, tiro ka tirsan cadawga ayaa halkaas ku dhimatay qaar kalena waa laga dhaawacay, hub iyo saanad ciidana waan ka qabsanay” .

Dhinaca kale dowladda Mareykanka Mareykanka ayaa dhankeda sheegtay weerarkaa in Hal askari looga dilay weerarkii Daarusalaam islamarkaana 2 kale looga dhaawacay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post