X
    Categories: Warar

Al-shabaab Iyo Xukuumadda Somalia Oo Magacyo Cusub Oo Muran Dhaliyay Isu Bixiyay

Mogadishu(ANN)Xukuumadda Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dagaalyahanka Al-shabaab, ayaa magacyo cusub isu bixiyay, iyadoo midba midka kale magac cusub ugu yeedhi doono wixii hadda la danbeeyay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku amartay warbaahinta dalka in ay ururka Al-shabaab ugu yeedhaan hadda wixii ka danbeeya magaca cusub ee ay u bixiyeen oo ah, ‘Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed’ kaas oo loo soo gaabiyay (UGUS).
Taliyaha hay’adda sirdoonka Somalia, Cabdiraxmaan Muxamed Tuuryare, ayaa sheegay in magaca Al-shabaab oo ah dhalinyaro aan la wasakhayn, wuxuuna usoo jeediyay Al-shabaab inay hadda wixii ka danbeeya isticmaalaan magacaa, maadaama sida uu sheegay magaca Al-shabaab huwanyahay dhalinyaro. Sidaa awgeed ay kooxdu isticmaasho magaca cusub maadaama sida uu sheegay ay yihiin kooxdu kuwo wax laynaya oo aan istaahilin inay magaca dhalinyarada qaataan.

Hase yeeshee Al-shabaab oo taa ka jawaabeysa ayaa u adeegsatay dowladda federaalka magac cusub oo ay ku sheegtay ‘Ururka Gumeeya Umadda Soomaaliyeed’, waxayna sheegeen in hadda wixii ka danbeeya xukuumadda Somalia ee Xasan Sheekh loogu yeedhayo magacaa oo ay sheegeen inuu ku yahay Istaahil, iyagoo sabab uga dhigay in aanay magac dawladeed qaadan Karin oo ay yihiin koox yar oo gumaynaysa Umadda Soomaaliyeed.

Magacyada ay isu adeegsadeen Al-shabaab iyo Dawlada Somalia, ayaa muran dagaal oo dhinaca warbaahinta ah ka dhex abuuray, iyadoo arrintan doodo ka dhex abuurtay bulshada dhexdeeda.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post