Araweelo News Network
Al-shababone

Baraawe (ANN)qarax weyn, ayaa ka dhacay Magaalada Baraawe ee xarunta Sh/Hoose ee Koonfurta Somalia, kaas oo lala beegsaday goob Maqaaxi ah oo ay ku badan yihiin dadweynaha caadiga ah iyo Ciidamada Somalia.

Warar hordhac ah, ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsan Maamulka Baraawe oo u qaabilsanaa xukuumadda Somalia Amniga uu ku dhintay qaraxa.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan dhawr qof oo shacab ah oo ay ku jirto haweenay ku dhinteen qaraxaa oo aan weli tafaasiil dheeraad ah laga hayn, waxayna saraakiisha amaanka Baraawe sheegeen inay ku jiraan baadhitaan.

Dhinaca kale Magaalada Marka ee xeebta ah, ayaa warar is khilaafsan kasoo baxayaan, iyadoo Al-shabaab laba maalmood ka hor ay sheegtay inay qabsatay, markii Ciidamada Somalia iskood uga baxeen. laakiin warar kale oo ilaa shalay iska daba imanayay, ayaa sheegaya in 24 kii saacadood ee u danbeeyay gacan ku haynta magaalada marba qolo la wareegaysay, iyadoo wararkii u danbeeyay sheegayaan in magaaladu kala qaybsantahay, isla markaana aanu jirin wax dagaal ah, balse xaafadaha magaalada iyo goobaha muhiimka ah ay kala haystaan Ciidamada dawlada iyo Al-shabaab, kuwaas oo mid walba dhinaceeda difaac ka gashay.

Ciidamada dawlada, ayaa la sheegayaa inay maanta barqadii dib u galeen magaalada, iyagoo dhinaca xeebta kasoo galay, kuwaas oo aan marka horeba ka fogayn, wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab dib ugu guratay dhinaca Xaafadaha Wajeer, Suuqa weyn ee magaalad, Xaafada Ruusiya iyo agagaarka wadada isku xidha Muqdisho iyo Marka ee dhinaca Xeebta, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal ay isku waajahaan halkaa labada dhinac.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com