X
    Categories: Warar

Al-Qaacidada Yemen Oo Qiratay In Laga Dilay Laba Hoggaamiye

Sanca(ANN)Kooxda lagu magcaabo Ansaaru Shareeca ee Al-Qadida Yemen ee Gasiirada Carabta, ayaa qirtay in laga dilay Laba Hoggaamiye oo ka tirsanaa ururkooda. Kadib markii Duqayn dhinaca Cirka ah lagu Qaaday shalay Deegaanka Magaalada Raddaac.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Kooxda Ansaaru Shareeca oo lagu baahiyay boggaga ay ku leeyihiin dhinaca Internetka, waxayna ku sheegeen qoraalkooda in ay kaga shahiideen Duqayntaa Laba Hoggaamiye oo kala ahaa Sheekh Nabiil Al-Dahabi iyo Khowlaan Al-Sancaani, kuwaas oo ku shahiiday sida ay sheegeen hawlgalka Maraykanku hoggaamiyo ee duqaynta dhinaca Cirka oo sida ay ku xuseen qoraalkooda ay qayb ku lahaayeen Malayshiyada Shiicada ee qabsatay dhulka Yemen intiisa baddan.
Labada hoggaamiye ee la dilay, ayaa ahaa kuwii hoggaaminayay hawlgalo sutida loogu qabtay Shiicada oo doonaysa in ay isku balaadhiso dhulka Yemen, balse dagaalo culus oo ay hoggaaminayeen labada Mujaahid ee laga dilay Al-Qadida Yemen kaga baaciyeen deegaamo baddan oo ka tirsan Badhatama Dalka Yemen.

Sidoo kale waxay sheegeen Al-Qadida Yemen in labada hoggaamiye ee laga dilay ahaayeen geesiyaal naftooda huray oo caan ku ahaa jihaadka, isla markaana si weyn looga yaqaanay dhulka uu ka socdo jihaadigu.

 

Dalka Yemen, waxa dhowaan qabsaday malayshiyaadka xuutiyiinta, ayaa 30-25 % qiyaastii ka ah bulshada dalka Yemen, balse waxa suurtageliyay in ay dhamaan inta baddan la wareegaan magaalooyinka dalka oo ay ugu weyntahay Caasimadu kadib markii ay taageero ka heleen hoggaamiyayaasha qabaailka suniga qaarkood, waxana weli ka taagan dalka yemen khilaaf siyaasadeed oo sii murgaya.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post