X
    Categories: Warar

Al-Qaacida Maxay Ka Tidhi COVID-19 Fayriska Aduunka Wareeriyay?

Hoggaamiyaha Al Qaacidda Sheekh Ayman Mohammed Rabie al-Zawahiri


Muqdisho (ANN)-Hoggaanka guud ee Ururka Al -Qaacida, ayaa ka hadlay aragtidiisa masiibada dunida ku habsatay ee Cudurka Coronavirs (COVID-19), kaas oo si ba’an u sababay dhimasho, isla markaana dhulka dhigay dhaqaalaha Aduunka, isla markaana kala xidh-xidhay macaamilkii iyo isu socodkii bulshooyinka Aduunka.


Bayaan kasoo kasoo baxay hoggaanka guud ee Urur weynaha Al-Qaacida oo lagu baahiyay degelada warbaahinta taageerta Al-Qaacida, ayaa bayaanka ay hoggaanka Al-Qaacida ugu baaqeen dadka muslimiinta ah inay towbadkeenka badiyaan, isla markaana ay oggaadaan in musiibo walba oo dhacda ay ku timi wax Bani’aadamku gacmihiisa ku samaystay, sidaa darteed loo baahanyahay in rabbi loo noqdo.

Al-Qaacida, waxa kaloo ay Bayaanka ku sheegty in waxa maanta caalamka ka socda ay lamid yihiin in Bani’aadamku uu ku dhax jiro calool Nibiri, waxa kaliya ee lagaga bixi karaana ay yihiin in Allah SWT rabbinimadiisa loo kali yeelo.

Dhinaca kale Al-Qaacida ayaa ugu baaqday shucuubta wadamada reergalbeedka ee sida weyn dhibaatada Coronavirus u saameeyey oo ay ku macneeyeen inay thay midhaha xumaantii ay abuurteen ugu baaqday ku cibra qaataan oo kasoo baxaan mugdiga iyo xumaanta oo islaamka soo galaan.


“Halaagga saf-mareenka ah ee Coronavirus gaadhsiiyay reergalbeedka iyo burburka dhaqaale ee aan tirakoobka lahayn ayaa gaalada ugu filan inay ku cibra-qaataan awoodda Alleh, waana inay diinta islaamka ee xaqa ah soo galaan.” ayaa lagu yidhi, Bayaanka Al-Qaacida.

“Bal eega saamaynta burburka dhaqaale ee uu geysanayo caabuqan dilaaga ah oo sababtiisa asaasiga ah tahay Ribada oo ah wax Allah SWT, lagula dagaallamayo,” ayuu lagu yidhi, bayaankaa oo sidoo kale lagu tilmaamay dulmiga iyo gardarada dalalka reer galbeedku ku hayaan Muslimiinta ay muujinayaan waxyaabaha dunida ka dhacaya maanta.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post