X
    Categories: Warar

Al-Nuur Furniture Oo Deeq Gaadhsiisay Xarunta Aggoomaha Hargeysa

Hargeysa(ANN(Shirkadda soo waarida qalabka Guryaha iyo Xafiisyada ee AL-NUUR Furniture oo xarunteedu tahay caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa deeq isugu jirta Dhar, Kabbo iyo Agabka Carruurtu ku ciyaaraan ugu deeqday 485 Carruur ah oo ku jira Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa, deeqdaa oo Shirkadda Al-Nuur ugu tala gashay inay Caruurtaasi munaasibadda Ciidda Fitriga farxadda ula qaybsadaan Carruurta kale ee nasiibka u helay in waalidkood la ciidaan.

Madaxa Suuqgaynta ee Shirkadda ALNUUR Md. Cabdiqani Maxamed Xuseen oo deeqdan ku wareejiyay xarunta Agoomaha Hargeysa maanta, ayaa sheegay inaanay ahayn markii ugu horreysay ee shirkaddoodu deeq noocan oo kale ah soo gaadhsiiso xarunta agoomaha Hargeysa.

“Deeqdan dharka Ciidda ah waxa uu ganacsade Cabdiraxmaan ALNUUR ku ciidsiiyay 485-ka agoon ee ku jira xarunta agoomaha ee Hargeysa, mana aha markii ugu horraysay ee ay Shirkadda ALNUUR deeqdan oo kale u keento, laakiin sannad kasta, labada ciidood ee Islaamka (Ciidal-fidri iyo Ciidal-adxa) waannu ciidsiinnaa agoomaha si ay u farxaan, waxaanu Ganacsade Cabdiraxmaan ALNUUR dammaanad-qaaday ILAAHAY ka sakow inuu sannad kasta labada Ciidood ee muslimiintu ciiddo uu ciidsiiyo agoomaha xarunta ku jira oo ay farxadda kala qayb qaataan ummadda kale.”

Md. Cabdiqani Maxamed, waxa uu xusay in deeqdani ka kooban tahay dhammaan dharkii (shaadh iyo surwaal, garan, nigis, i.w.m), kabihii (sandhal ama buudh) iyo qalabkii kale ee carruurta yaryari ku ciyaari lahayd maalmaha ciidda.

Ku-simaha Agaasimaha xarunta agoomaha ee Hargeysa Md. Saxardiid Muxumed Jaamac oo shirkadda ALNUUR ka guddoomay deeqdan dharka ah ayaa isaguna munaasibaddaasi ka hadlay, isaga oo mahadnaq weyn u jeediyay shirkadda ALNUUR.

“Waxaan aad iyo aad ugu duceynayaa mulkiilaha Shirkadda Md. Cabdiraxmaan-ALNUUR oo had iyo jeer xeradan agoomaha ah aad iyo aad uga war haya, muddo dheer oo ah ilaa imika dhammaadkii 2010-kii labada Ciidood (Ciidal Fidriga iyo Adxada) iyo inta u dhexaysa marka baahiyi jirto waxa uu ka mid yahay dadka gargaara ee wax u keena” ayuu yidhi Md. Saxardiid.

“Ganacsade Cabdiraxmaan ALNUUR waxaan ILAAHAY uga rajaynayaa halka uu deeqdan ka soo saaray boqol laabkeed u gasho Jasaa’akallaahu khayran ayaan leeyahay, Cabdiraxmaan-ALNUUR waxa uu xarunta agoomaha Hargeysa taray hadal kuma soo koobi karayo. Aad ayuu u mahadsan yahay” ayuu Saxardiid hadalkiisa raaciyay.

Maaha markii ugu horraysay ee ay Shirkadda ALNUUR FURNITURE ciidsiiso agoomaha ku jira xarunta agoomaha magaalada Hargeysa, hase yeeshee sannad kasta waxay shirkaddani kafaalo qaaddaa farxadda ku-dhowaad 500 oo carruur ah oo ku jira xarunta agoomaha ee Hargeysa.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post