X

Afhayeenka Xisbiga WADDANI Garyaqaan Barkhad Oo Sharcidaro Ku Tilmaamay Wareegtada Sharciyada Shirkaddaha Isgaadhsiinta Lagu Laalay

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Afhayeeka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Garyaqaan Barkhad jaamac batuun, ayaa si adag uga hadlay wareegto Xukuuamdda Somaliland ku laashay ruqadihii sharci ee ay ku shaqaynayeen shirkaddaha Isgaadhsiinta Somaliland ee ka hawl-gala dalka.

Kaddib markii Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jamhuuriyadda Somaliland, ay sheegtay in ay gebi ahaanba laashay ruqsadihii ay ku shaqaynayeen Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee dalka ka shaqeeya, isla markaana ku amartay in ay dib u soo codsadaan qaadashada Liisamada Isgaadhsiinta, iyadoo ay wasaaraddu sheegtay in la waafajinayo xeer-nidaamiyaha adeegyada Isgaadhsiinta Dalka, kaas wasaaraddu ay soo saartay sannadkii tegey ee 2020.

Hase yeeshee Afahayeenka ayeeka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Garyaqaan Barkhad jaamac Batuun, ayaa ku tilmaamay arrintaa mid aan sharciga meelna kaga jirin oo qayral dastuur ah, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda in ay la noqoto wareegtaada.

AKHRI: Shirkaddaha Isgaadhsiinta Somaliland Oo Xukuumaddu Laashay Ruqsadihii Sharci Ee Ay Haysteen

Garyaqaan Batuun oo la hadlay Telefishanka Horn Cable, isagoo ka hadlaya arrintaa, wuxuu sheegay in wareegtadaasi ay ku geftay sharciga dalka iyo sharciyada qaanuuniga ah ee ay leeyihiin shirkaddaha Isgaadhsiintu.

Sidaa awgeed wuxuu xusay Garyaqaan Barkhad, in maadaama aannay wareegtadu ahayn mid sharci  oo ay la noqoto wasaaraddu, isagoo sababta sharcidarada sidan oo kale ay u dhacaysana ku tilmaamay mid muujinaysa in aannu dalka ka jirin baarlamaan shaqaynaya oo wasaarad walaba waxa ay doonto soo saarayso.

Halkan Ka Daawo;

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post