Araweelo News Network

mahdibuubaa
Hargeysa(ANN)-Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa xisbigooda ka difaacay eedo ay u soo jeediyeen labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID.
Waxanay ka codsadeen masuuliyiintani Hay’addaha garsoorku inay ku daba galaan arintaa oo ay ku tilmaameen mid borabaganda ah oo labada Xisbi faafinayaan.

Saraakiisha WADDANi oo waraabhinta la hadlay, ayaa waxba kama jiraan iyo dacaayad ku tilamamamy warar maalmihii u daneeyay warbaahinta maxaliga lagu daabacayay oo la xidhiidhay kulan madaxda sare ee Xisbiga ku dhexmaray Nairobi madaxda Somalia.

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Ibraahin Mahdi Buuba waxaa uu gudoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ugu baaqay in bulshadu ka ilbaxday shuguxda ay u tumayaan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Mudo 25-sano ah ayaad Faysal Iyo Muusow umadan aad hagar-daamo la hor taagneydeen, hadii maanta umadu idinka tashatay oo idinka dhaqaaqday, oo masiirkoodi idin kala wareegeen, maaha inaad xag xagataan, wax bulshadu idinka qaadaneysana maaha, Muusena waxaan leeyahay umadu waa ay ka ilbaxday daasad yar oo shugux shuguxa, iyo beenta aad sheegeysaan”

Buuba afhayeenka xisbiga WADDANI waxaa uu sheegay in aanay ka suuragali Karin waxaa ay sheegayaan labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID gudoomiyaha xisbiga WADDANI dayaacadaha riqiiska ah ee la faafinaya, isagoo yidhi, “Xisbiga WADDANI waa xisbi qaran, Cabdiraxmaan Ciro waa gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna gudoomiyaha golaha wakiilada kamana suurta gasho, beer abuurka noocaas oo kale ah, ee ay kula kacayaan waa arin afka ka weyn isla markaana aan la rumeysan Karin, umaduna ay og tahay waxaa la sameynayaa waxaa uu yahay, waxaanay arintaasi cadeyneysaa awood la’aanta heysta labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID”

Buuba isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Markii ay bulshada reer Somaliland ka waayeen taageeradii, arkeena inaanay gacanta waxba ugu jirin ayay miciin moodeen, in Jaraa’ido iyo waxyaabo leysku kab kabo ay dacaayad uga dhigaan ninkii saddexaad ee qarankan hogaaminayay, amase xisbigii WADDANI iyo madax-dii kale ee la socotay ee Nayroobi tagtayba, iyagaana looga fadhiyaa inay cadeyn rasmiya keenaan, in sidii dadkii suuqa joogay Faysal iyo Muuse ay isaga hadlaan maaha, kalmadaha afkooda ka soo baxayaana waxaa la doonaya inay noqdaan qaar sugan oo xaqiiqdooda la og yahay, maaha in kuwa dadka aan xilka heyn ay ku sheekeysan karaan oo kale, markaa waxaa looga fadhiyaa cadeynteedii, waana eed culus ee waa in ay cadeynteedi keenaan, waxaananu la socodsiinaynaa garsoorka dalkan inaanay arintaasi ka hadhin, oo ay u yeedhaan iyaga laftooda oo ay keena yidhaahan iyaga laftooda”

Naasir Badel Ismaaciil xoghaya abaabulka ee xisbiga WADDANI oo isaguna arintaas ayaa yidhi, “Arintan Jaraa,idka ee ay soo bandhigeen qolada KULMIYE, ujeedada ugu weyn ee ay ka leeyihiin waxaa ay tahay inay ku lumiyaan kalsoonida dalka, ta kale waxaa ay meel ka dhac ku tahay caqliga iyo garaadka ay reer Somaliland leeyihiin, waxay meel ka dhac ku tahay Madaxweynaha talada dalka maanta gacanta ku haya, hay’addihii garsoorka kuwii danbi baadhista, iyo ciidamadii qalabka siday oo dhan, waana shay duulaan ku ah caqliga iyo garaadka dadkani leeyahay” ayuu yidhi. Mr. Bedel.