Araweelo News Network

xuseendeyr

Hargeysa(ANN)Afhayenka Madaxtooyadda Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa jawaab ka bixiyay warar muddooyinkan soo noq-noqqnayay oo sheegayay in Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabi Aadan lagu wado in xilka laga qaado.

Afhayeenka Madaxtooyadda Mr. Xuseen oo maanta ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay jiritaanka wararkaa oo mar uu warbaahinta kula hadlay Madaarka Hargeysa uu weydiiyay Weriye Cismaan Axmed Cismaan (Heello) oo ka tirsan Television ka Star Tv, wuxuu Afhayeenku ku jawaabay sidan:-

“Horta Madaxweynuhu ciduu xilka u igmanayo iyo ciduu ka qaadayo isagaa awoodaa leh warkaa aad sheegaysaana waxaan filayaa inay yihiin warar ku tidhi ku teena oo aanay haba yaraatee waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn, Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa weeye Madaxweynaha ayaa xilka u dhiibay isagaana ka qaadi kara markii uu isagu doono laakiinse waxaa xusid mudan in Marwo Samsam Cabdi Aadan tahay qof hawl kara oo qarankan xilal badan kasoo qabtay, Wasiirka Waxbarashada ayey ahayd Samsam Cabdi Aadan oo ay si fiican min bari ilaa galbeed meel walba ay taalo raadkeedii iyo waxqabadkeedii , Wasaaradda Maaliyadda lafteedana waad aragtaan $251 Milyan ilaa $300 oo Milyan bay kasoo qaaday markaa samsam waxay ka mid tahay wasiirada ugu hawl karsan xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland wararkaa borobagandhada ah ee suuqa lagu fidinayana waxaa weeyaan in samsam, xukumadda iyo xisbiga madaxa laysugu dhufto ama laga dhex shaqeeyo markaa waxan leeyahay Madaxweynuhu xaq dastuuriya ayuu u leeyahay inuu cidna xilka ka qaado cidna u magacaabo laakiin se warkaasi war waxba ka jiraan haba yaraatee maaha wax bedeloo samsam xilka laga qaadayaana ma ogin waxbana kama jiraan warkaasi “ ayuu yidhi Afhayeenku isagoo amaan kula kufay Marwo Samsam oo garab rtaagan, isla markaana ka mid ahaayd xubno wasiiro iyo masuuliyiin kale oo Madaarka kusoo dhoweeyay Xaaji Cabdikariim Xuseen oo dalka kusoo laabtay kadib markii lagu soo daweeyay dalka Imaaraadka Carabta oo xaalad Ciifmaad loogu qaaday dhowaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409