X
    Categories: Warar

Afar Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Isku Gashay Galbeedka Gebilay Iyo Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network

Hargeysa((ANN)-Shil Khasaare nafeed sababay, ayaa maanta ka dhacay deegaanka u dhexeeya Gebilay Iyo Kalabaydh ee galbeedka Hargeysa.

shilka ayaa dhacay kadib markii laba baabuur oo kala Noha Iyo Surf Isku dhaceen, waxaana ku Nafwaayay Afar, iyadoo Shan qof oo ku dhaawacmay laba ka mid ah xaaladooda laga dayriyay, kuwaas oo dhinaca Cusbitaalka Hargeysa loo qaaday, Isla markaana xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

 

Afarta qof ee ku dhintay shilkaa naxdinta Leah, ayaa magacyadoodu kala ahaayeen, Marxuum Cabdillaahi Cismaan Diiriye oo ahaa Guddoomiyihii magaalada Kalabaydh ee Gabiley
Marxuum Biixi Maxamed Maxamuud
Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud
Marxuum Axmed Sh. Maxamed Muxumed

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ayaa dhanbaal tacsi ah u diray qoysaskii ay ka baxeen Afarta Marxuum ee shilkaa ku geeriyooday, wuxuuna dhanbaal tacsi ah oo uu warbaahinta u kala diray u qornaa sidan:-

N-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

“Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee afarta marxuum ee kala ah;
Marxuum Cabdillaahi Cismaan Diiriye oo ahaa Guddoomiyihii magaalada Kalabaydh ee Gabiley
Marxuum Biixi Maxamed Maxamuud
Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud
Marxuum Axmed Sh. Maxamed Muxumed
Oo dhammaantood ku geeriyooday shil laba baabuur oo isku dhacay deegaanka Carro-tuul oo u dhexeeya Gabiley iyo Kalabaydh galabta oo taariikhdu tahay 08/10/2017, iyadoo shan qof oo kale oo ku dhaawacmay shilkaasina xaaladooda lagula tacaalayo cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley.

Guddoomiyuhu waxa uu afartaasi Marxuum oo uu ku tilmaamay muwaadiniin qaranka ka baxay uu Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, kuwa ku dhaawacmay shilkaasina uu caafimaad buuxa ugu deeqo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post