X
    Categories: Warar

Afar Qodob Lagaga Gaadhay Heshiis Muranka Doorashooyinka Somaliland Ee Dib U Dhacay


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaanka Saddexda Xisbi qaran ee UCID, Waddani iyo Kulmiye, ayaa isla qaatay in doorashada golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee dib u dhacday la qabto dhammaadka sannadka foodda innagu soo haya ee 2019-ka, ka dib markii xalay ay kulan ku yeesheen qasriga Madaxtooyada.
War-murtiyeed Afar qodob ka kooban oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, Waxa kale oo Warkan lagu sheegay inay kulanka qayb ka ahaayeen Xisbiyada iyo Madaxweynaha ka sokow, Madaxweyne Ku-Xigeenka hadda, Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee dalka soo maray iyo Xubno Ururrada Bulshada Rayidka ah ka socday. Nuqulka aftahannews soo gaadhayna waxa uu u qornaa sidan:-

“WAR-MURTIYEED: 16/12/2018 —– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa kulan muhiima la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah.

kulankan uu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir iyo isku duubni loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ay hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorashooyinku si loo xaqiijiyo geeddi-socodka Dimuqaariyadda Somaliland iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinkaas, isla markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan.

Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go’aamiyeen qodobbadan hoos ku qoran:

1- In doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoonto dhammaadka sannadka 2019-ka.
2- In si wada-jir ah ay uga wada-hawl galaan xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada.
3- si niyadsami ah loo sii wado wada-tashiga iyo wada-hadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka.
4- In wixii caqabad ah ee soo kordha laga wada-tashado.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post