X
    Categories: Warar

Afar Ka Mid Ah Maamul Goboleedyadda Soomaaliya Oo Samaystay Xisbi Siyaasi Ah

Hoggaamiyayaasha maamul goboleedyadda Soomaaliya

 

Garoowe(ANN)- Maamul goboleedyadda Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay ku bahoobeen Xisbi siyaasi ah oo ay qorshaynayaan in ay kaga qayb galaan siyaasada mustaqbalka haddii ay suurta gasho in sannadka 2020-ka Soomaaliya doorashooyin ka qabsoomaan.

Afar ka mid ah Hoggaamiyayaasha maamul goboleedyadda Soomaaliya oo shir muddo dhawr maamlmood ah uga socday xarunta maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya xaruntiisa Garoowe, waxa war-murtiyeed ay wada jir usoo saareen madaxda maamul goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ku shaaciyeen qodobo kala duwan oo ay isla qaateen.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaa oo uu kaga hadlay Afhayeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Cabdullahi Sheekh Xassan oo sheegay in shirkaa laga soo saaray qodobo khuseeya arrimaha amniga, Siyaasada iyo xisbigooda ay kaga dhawaaqeen halkaa oo loo bixiyay Horu Socod Qaran.

 

Hoggaamiyayaasha maamul goboleedyadda, ayaa sheegay in xisbigooda uu guddoomiye u yahay Cabdi Weli Gaas oo ah Guddoomiyihii golahaa, isla markaana ah madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo Garoowe ku marti geliyay shirkaa.

Shirka, ayaa si weyn loogu dhaliilay dawladda Federaalka ah, iyadoo hoggaamiyaasha maamul goboleedyadu si weyn ugu dhaliileen war-murtiyeedkaa in ay waxba qaban weyday, isla markaana ku guuldaraysatay in lasoo celiyo amaanka iyo kala danabaynta Soomaaliya.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaa oo ahaa afaraad muddo shan maalmood ah ka socday Garoowe, waxaan ka qayb gelin maamul goboleedyadda Hir-shabeele iyo Ximan iyo Xeeb oo hore qayb uga ahaa samaynta Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada, kuwaas oo ka baxay dhowaan markii khilaaf soo dhexgalay Dawladda Federaalka iyo golaha maamul goboleedyadda uu sii kululaaday.

Hoggaamiyayaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya oo horraantii Oct, 2017, ku shiray magaalada Kismaayo, ayaa shaaciyay in ay samaysteen gole loogu magacdaray Golaha Dowlad Goboleedyada, kaas oo guddoomiye loogu doortay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, halka ku xigeenkiisa loo doortay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi AWaare, waxayna joojiyeen wada shaqayntii dawladda.

Arrintan ayaa ka dhalatay, kadib markii khilaafka dalalka Khaliijka ee xulufada Sucuudiga iyo Qadar ay dawladda Federaalka ah sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay, iyadoo maamul goboleedyadu ka cadhoodeen oo u xagliyeen dhanka Sucuudiga iyo Imaaraadka oo taageero weyn u muujiyay in dawladda Federaalka ku karbaashaan, waxaana xilligaa soo baxay in UAE imaaraadku hubaynayaan hoggaamiyayaasha maamul goboleedyadda Soomaaliya.

 

Guddiga doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya, ayaa wada diiwaangalinta xisbiyada siyaasadeed si loo meel mariyo qorshaha Beesha Caalamku ku doonayso in dalka uu u guuro nidaam xisbiyada badan.

Guddida ayaa Diiwaan geliyay in ka badan 20, waxaana  ka mid ahaa mid uu hormuud ka yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, walaw uu sheegay in ka hor intii aanu Madaxweynaha noqon sameeyay xisbigaa.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post