X
    Categories: Warar

Af-Hayeen U Hadlay Dawladda Taagta Daran Ee Villa Somalia Oo Dalka Imaaraadka Ku Eedeeyay Inay Aqoonsanay Somaliland

Araweelo News Network

Af-hayeenka u Hadlay villa Somalia ee dhaleeceeyay Imaaraadka

Mogadishu(ANN)-Afhayeen u hadlay Xukuumadda Villa Somalia oo dhaleecaynaya heshiiska Xukuumadda Somaliland la gashay Dalka Imaaraadka Carabta ee Saldhiga Millati Iyo Heshiiskii Dp World ee Dekedda Berbera, ayaa ku dooday in Imaaradku doonayaan inay Sooaaliya kala gooyaan oo ay aqoonsadaan Somaliland.

“Imaaraadku Wuxuu Aqoonsanayaa Somaliland, Anaguna Waxaanu Diidanahay In Saldhigan Berbera Lagu Kala Gooyo Laba Dal Oo Somaliya Yeelato” sidaa waxa yidhi, Mid ka mid ah Masuuliyiinta Dawlada Soomaaliya u Qaabilsan la hadalka Saxaafada Carabta Sidoo kalena Ah La Taliye Arrimaha Siyaasada ee Villa Somaliya, wuxuuna ku dooday inay jiraan Arrimo Culus oo Ay Dawlada Imaaraadka Carabtu (United Arab Emirates Government) ka Wado Gudaha Dalka Soomaaliya

Xasan Cabdi Xayle oo ah oo u Waramaya Telefishanka ALXIWAAR Qaybtiisa Afka Carabiga, ayaa ka hadlay Sababta Ay Dawlada Soomaaliya Uga Soo Horjeed, isla markaana u Diidan Tahay Saldhiga Dawlada Imaaraadka Carabtu Ka Yagleelayso Magaalada Berberba Ee Somaliland, taasoo uu ku sheegay in Dawlada Imaaraadka Carabtu(United Arab Emirates) Aqoonsanayso Somaliland, Isla Markaana la doonayo in lagu kala jaro Dawladii Soomaaliyeed. sidaana lagu aqoonsado Somaliland.

Xasan Cabdi Xayle oo la waydiiyay Sababta Soomaaliya ay uga Socdaan Qaska iyo Dagaalada xalka loo waayay, Isla markaana Somaliland u Degan Tahay ayaa ku Dooday in Somaliland Tahay Meel Ay Jabhadi ka Taliso Sidaa Darteedna Ay Nabad u Noqotay.

Halkan Ka Daawo Warkaa Oo dhamaystiran.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post