X
    Categories: Warar

Abwaanaddii Hal-abuurka Waddaniyada Lahayd Nimco Gabaydo Oo Geeriyootay

Hargeysa(ANN) Abwaanad Nimco Aadan Hure oo lagu naanaysi jiray Nimco Gabaydo, ayaa ku geeriyootay galabta 18 March 2015, Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa. Marxuumada ayaa u geeriyootay xanuun ay muddooyinkan danbe la jiiftay.
Allah ha u naxariistee Marxuumad Nimco, waxay ahayd Haweenay Illaahay u siiyay suugaanta iyo gabayada hibo, waana sababta naanaysta Nimaco gabaydo loogu bixiyay, iyadoo inta baddan suugaanteedu ahayd mid isugu jirta wacyigelin, hogga tusaalayn iyo tilmaamo ay bulshada ugu iftiiminay jidka guusha iyo horumarka, isla markaana muddooyinkan danbe dhinaca dhalinyada kaga waaninaysay tahriibta, iyadoo u tilmaamaysay dhibaatada ka horaysa iyo inay ka waantoobaan oo ay dalkooda aaminaan.
Marxuumad Nimco, waxay ahayd haweenay nafteeda iyo nolosheeda u hibaysay sidii ay bulshada Somaliland iyo Soomaaliduba u horumari lahayd, waxayna lahayd suugaan baddan oo wadaniyad iyo hal-abuurnimo sare ka muuqato, waxay ahayd qof himiladeedu sarayso oo mar walba suugaan ku cabirta xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan iyo guud ahaan nolosha ee bulshada.
Tariikhada Marxuumada oo aan ahayn mid lagu soo koobi karo halkan, waxa sheegi doonta Taariikhda qofka ay ahayd iyo kaalintii ay ku lahayd Marxuumadu bulshada,  waxaan rajaynaynaa inaan dib kasoo qoro intii aanu awoodno oo idiinku soo gudbino  Araweelo News Network insha Allaah.
Bahda Shebekada Araweelo News Network, waxay iyadoo ka tiiraanyaysan geeridaa tacsi u diraysaa Abwaanada, Hal-abuurka iyo Suugaanyahanada Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Marxuumad Nimco Aadan Hure (Nimco Gabaydo), waxayna Alle uga baryayaan inuu inuu naxariistii janna-fardawsa ka waraabiyo, dhamaanteena Samir iyo Iimaan saadiqa Alle inaga siiyo.

Nimco way ka hoyatee Allaw nabadgelyeeyoo ka ilaali naaraha narxariista ugu Deeq
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post