X

Abwaan Yuusuf Shaacir Muxuu Ka Yidhi Guddida Xeel-dheerayaasha Ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Ku Dartay

Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Yuusuf Shaacir) Image Araweelo News Network, 4 July 2021.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Abwaanka Caanka ah ee Yuusuf Cismaan Cabdulle (Yuusuf Shaacir), ayaa ka hadlay dareenkiisa liiska Wasiirka Waxbarashadda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku dartay, isaagoo lagu xuay Magaciisa Xubno lagu sheegay Xeel-dheerayaasha Af-Soomaaliga.

Bulshada Somaliland, ayaa si weyn su’aalo isaga weydiisay arrintan, taas oo sababtay in Abwaan Yuusuf Shaacir warbaahinta la hadlo saaka, kaddib markii magaciisa lagu arkay liiskaa ay shalay soo saartay Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya ee Dawladda Federaalka.

Hase yeeshee Anwaan Yuusuf Shaacir, wuxuu isagoo arrintaa ka daren celininya, wuxuu Waraysi uu siiyay Telefishanka BulshoTv  kula hadlaya saaka Magaalada Hargeysa ee uu deganyahay sheegay in markii uu arkay magaca ku qoran Liiska, isla markaana dadweyne baddan oo ka falcelinayaa lasoo xidhiidheen uu la xidhiidhay qaar ka mid ah Aqoonyahanka Akademiyadda Cilmiga iyo Fanka Soomaaliyeed.

Abwaan Yuusuf Shaacir, wuxuu sheegay in Magaciisu aannu ahayn Yuusuf Cabdulle,  sida ku qoran qoraalka kasoo baxay Wasaaradda, isla markaana aan la raacin magaciisa Naanaysta uu caanka ku yahay ee (Yuusuf Shaacir), “Anniga Magacaygu maaha Yuusuf Cabdulle, layma yidhaahdo, Naannaytstayduna kuma qornay qoraalka oo ahaa laba warqadood.”

Hase yeeshee sida uu sheegay Abwaan Yuusuf uu markii la xidhiidhay Akadeemiyadda Cilmiga iyo Fanka Soomaaliyeed, kuwaas oo sida uu sheegay ay hoos tegayaan guddida la magcaabay ay siiyeen waxbixin dhamaystiran.

Halkan Ka Daawo Abwaanka Oo Ka Hadlaya Arrintaa.

 

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post