X

Abu Dhabi: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Galay Xaalad Caafimaad

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed iyo Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo Arbacadii shalay ka dhacay Qasriga Qasriga Al Shati, 22 Jun 2022, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Abu Dhabi(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta maalmihii u danbeeyay, ayaa sheegay inuu galay xaalad caafimaad karantiin ah.

Laxidhiidha: Dawladda Imaaraadka Oo Ka Hadashay Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdigiisa oo safarkii ugu horeeyay ee dalka kaga baxo ugu boqoolay dalka Imaaraadka Axaddii lasoo dhaafay, waxaana qorshuhu ahaa in safarka Madaxweyne Xasan Sheekh qaato laba maalmood, sida ay xilligaa sheegtay Villa Somalia.

Hase yeeshee waxa soo baxay markaa kaddib warar sheegaya in xubno ka mid ah wefdiga Madaxweynaha la geliyay karantiin, kaddib markii baadhitaan lagu sameeyay lagu oggaaday in Fayrsika safmareenka ah ee COVID-19, laga helay, wallow aan xilligaa la xqiijin xubnaha tiradooda, taas oo sababtay in qorshaha safarka Madaxweynaha wax iska bedelaan.

Laxidhidha: Maxay Ka Wadahadleen Dawladda Imaaraadka Iyo Madaxweynaha Cusub Ee Dawladda Federaalka

Khamiistii Xalay ayay ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheekh kulan la qaatay Jaaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Imaaraadka, iyadoo kulankaa ay ka qaybgaleen dad tira baddan oo isugu jira ganacsto iyo shaqaale ku dhaqan dalka Imaaraadka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Arbacadii la kulmay Madaxweynaha dalka Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta (UAE) Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan iyo masuuliyiin kale.

Hase yeeshee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay Jimcihii maanta in baadhitaan lagu sameeyay lagu oggaaday inuu hayo fayriska Covid-19, wallow sida uu ku xusay qoraalka Madaxweynuhu sheegay in caafimaadkiisu wanagsanyahay, balse wuxuu Bulshada ka codsay in ay usoo duceeyaan. 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post