X
    Categories: Warar

Abdullah al-Thani Oo Qoyska Reer Qadar Ugu Baaqay Kulan Deg-deg Ah

Araweelo News Network

Sheik Abdullah bin Ali al-Thani

Doha(ANN)- Sheik Abdullah bin Ali al-Thani oo ka mid ah Qoyska Boqortooyada Dalka Qadar, ayaa ugu baaqay Qoyska xukumada dalka in ay kulan isugu yimaadaan si looga wada hadlo arrimaha ka dhashay xiisada u dhaxaysa Qadar iyo dalalka Khalaiijka.

.

Sidaana wuxuu ku sheegay Sheik Abdullah bin Ali al-Thani fariin qoraal kooban oo ku qornayd luqada Carabiga oo maanta uu ku baahiyay bartiisa shaqsiga ah ee uu ku leeyahay Twitter-ka.

Al-Thani, wuxuu sheegay in arrimaha lagaga hadlayo kulankaa oo aanu sheegin halka uu ka dhacayo, balse waxa uu raaciyay in ciwaanka  e-mail-kiisa oo ku qoran qoraalka laga ogaanayo goobta lagu qabanayo shirkaa oo sida uu sheegay lagaga hadlayo wax walba oo xidhiidh la leh khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka iyo sidii xal looga gaadhi lahaa arrintaa ee xaalada loogu soo dabaali lahaa mid caadi ah.

 

Sheik Abdullah bin Ali al-Thani, ayaa fariintaa ku sheegay in xiisada sii xumaanay ee ka taagan gacanka  Arabian Gulf aanay doonayn in ay dalka Qadar noqoto mid laga dhigo in ay iyadu ka wado dalalka qas iyo mashaakil siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo sii socda, Sidaa awgeed doonayaan in arrintaa xal loo helo.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post