X
    Categories: Warar

Abbanduulihii Hore Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Geeriyooday Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay

Djibouti(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay geerida Allah ha u naxariistee Abbaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Marxuum Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-dhable) oo ku geeriyooday Dalka Djibouti oo xaalad caafimaad loo geeyay.

Dhanbaal Tacsi ah oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ku waxa uu tacsi u dirayaa Guud ahaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Abbaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Marxuum Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-dhable) oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay hogaamiye ciidan oo door muhiima ku lahaa, dib u dhiska iyo qaramaynta ciidamada Qaranka, intii uu ahaa Abbaanduulaha Ciidankana uu ahaa shaqsi ku sifoobay hawl karnimo iyo dedaal ciidanimo.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi taas la mida u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Ciidanka Qaranka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtiina uuka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka.” ayaa lagu yidhi Dhanbaalka tacsida ee kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post