X
    Categories: Warar

Abaaraha Kusoo Waajahan Yurub Ee Dhagxaanta Lagu Qoray Qarniyo Hore

Araweelo News Netwrok.

Dhagxaan Awoowayaashood Qoreen ayaa lagu muujiyay digniinaha Fariimaha Gaajada Kusoo waajahan Yurub

Iyadoo ay Qaaradda yurub la tacaalayso moowjado Abaaro ah oo aad u daran taasi oo aan Horay loo arag muddo ka baddan 70 sano.

Ka dib markii ay gudheen biyihii webiyada waddamda Qaaradda Yurub. Waxaa soo muuqday dhagxaanta loogu magac daray ” Dhagaxaanta Gaajada “.

Dhagaxanta Gaajada waa Dhagaxaan ay ku Qoranyihiin ereyo ku Qoran LUQADAHA waddamadaa yurub kuwaasi oo ay Qoreen awoowayaashii jiilka reer yurub kuwaasi oo ay uuga digayaan jiilasha reer yurub ee mustaqbalka haddii ay arkaan dhagaxaantan inay ooyaan maadaama ay arki doonaan Gaajo aad u daran.

Gudhitaanka webiyada waddamda Qaaradda yurub waxaa u sabab ah is beddelka cimillada adduunka.

Sida ay qoreen Qaar ka mid saxaafadda Yurub oo arruntan si weyn u qaadaa dhigay, sida saxiifadda loo yaqaan ( MILINO) ee waddanka Isbeeyn ( SPAIN) dhagaaxaanta lagu arkay webiyada Qallalay waxaa ku Qoran farriimo digniin ah oo ku Wajahan shucuubta qaarada yurub oo sheegaya inay mustaqbalka dhici doonto dhibaato weyn, taasi a biyaha webiyada oo gudhi doona.

Sidoo kale Qoraallada iyo farrimaha ku Qoran dhagaaxnata gaajada waxay sheegayaan dhibaatooyinkii iyo gaajadii ay Horay uu la kulmeen awoowayaashii hore ee reer yurub.

Sida ay khuburada Taariikhdu sheegayaan dhibaatooyinkan gaajada ah ayaa ka dhacay Qaaradda Yurub Qarnigii 13aad. Waxaana la Qoray warbixino iyo Qoraallo lagu kaydiyey taariikhda.

Sidoo kale khuburada ayaa si cad u sheegay in 47% Qaaradda Yurub ay Halis uugu jirto inay wajahdo Abaaro daran iyo duruufo nloleed oo adag. Sidoo kale khuburada ayaa sheegay in ciidda beerashada ku habboon ee Qaaradda ay Qallashay 17% arrintaana waxaa u sabab abaarta daran ee ku dhufatay Qaaradda Yurub.

WQ-Dr.Ahmed Hasan Saalah

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post