Araweelo News Network

faysal UCIDHargeysa (ANN)- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa tilmaamay in dawladda Madaxweyne Axmed Siilaanyo tahay wadaag (Coalition government), balse aan u ahayn xisbiga KULMIYE oo qudha.
Eng. Faysal oo ka hadlay xaflad ay xilka kula kala wareegeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorshaynta iyo wasiirkii hore shalay, waxa uu carrabka ku dhuftay masuuliyiin xilal ka haya xukuumadda Somaliland oo hore uga mid ahaan jiray xisbiyada mucaaridka.
“Waxa laga yaabaa qolooyinka media-yaha (saxaafadda) ka shaqeeyaa inay yidhaahdaan, waataynu ogeyn oo Faysal waligiiba waxa uu ahaa KULMIYE, wayna igu xaman doonaan. Horta dawladdan Axmed Maxamed Siilaanyo ma aha KULMIYE oo qudha ee waa dawlad wadaag ah oo KULMIYE oo keliya kama sameysna. Cali Warancadde waad aragtaayoo waa UDUB, Wasiir-ku-xigeen Qorsheynta Qaranka, Keysar Cabdillaahi waa UCID, Axmed Xaashi (Wasiir-ku-xigeenka Madaxtooyada) waa UDUB. Markaa aniga wasiirka cusub (Qorshaynta Qaranka) ayaa xisbigayga ka tirsan oo waa UCID, dagaalkii Bedarna wuu ila galay berigii xisbiga laga iga qaadi gaadhay haddii aad xasuusataan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
“Horta innaga waddankeenan waxaan u bixin lahaa waddankii xafladaha, waayo intaynu xaflad waqti ku bixinno ama inan la meherinayo tagno ama mid xisbi ka soo guuray tagno ama wasiir cusub tagno inta aynu waqti ku khasaarinno xaflado, ma jiro waddan kale oo ku khasaariyaa. Intaas oo masuul baa ka qeybgala hablaha la meherinayo. Imminka nin baa ila hadlay oo igu yidhi; ‘Salaadiintu maxay xil-wareejinta ka soo doonaan?’ Waxaan ku idhi, ‘Innaguba sownaga meherkooda ugu tagna, kana hadalna markay hablaha bixinayaan.’ Markaa waa la is-dhex yaacay oo Somaliland way is-dhex yaacday.”
Guddoomiye Faysal Cali-waraabe waxa kaloo uu ka hadlay lacagaha Qarammada Midoobay iyo dalalka qaadhaan-bixiyeyaashu sheegtaan inay ku caawiyaan Somaliland, waxaannu yidhi; “Haddaad u tagto UN-ta oo maalin dhoweyn nin UN ah ayaannu wada qadeynay, waxaanan ku idhi, ‘Horta maxaad na siisan meesha waad fadhidaane?’ ‘Boqol iyo soddon milyan oo doollar baannu idin siinnaa,’ ayuu yidhi; ‘Soomaaliyana waxaannu siinnaa shan iyo lixdan milyan ($65,000,000) oo shan iyo lixdankaas ayaad soo eegtaan ee boqol iyo soddon milyan ma taqaanaan.’ Haddaad boqol iyo soddankaas milyan eegto meel ay galeen caqligaaga gali mayso, waa saanbuusaha uu sheegay iyo bunka.
Haddii aad u tagto Ingiriiska, waxa uu leeyahay; ‘Mucaawimada aan ka sameeyo Somaliland iyo Soomaaliyaa idinka (Somaliland) ayaa 60% qaata,’ mana qaadanno.”
Sidoo kale, waxa uu sheegay in dhibaatooyin adag haystaan bulshada Somaliland, saboolnimaduna meel walba gaadhay, waxaannu yidhi; “Dalkeennu maanta marka aad Hargeysa hareeraha uga baxdo ee aad Burco hareeraha uga baxdo ayaad dareemaysaa gaajada dalkeena taal. Gaajadu maanta dadkeena ku dhacday, halkii laga saari lahaa, kuwii dabaqadda dhexe ku jiray ayaa hoos u dhacaya oo faqiirnimo gaadhaya. Waxa weeye waa horumar la’aanta.”
“Abaar baa innagu dhacday, abaarta innagu dhacday way sii xummaanaysaa oo roob ma da’in, Madaxweynuhu xaq buu u lahaa inuu tago oo uu soo eego (degaannada bariga Somaliland), laakiin abaaro soo eeg may ahayn ee olole ayey ahayd oo 30 baabuur baa is raacay. Waa la soo wareegay oo 12 maalmood baa la fadhiistay oo waxay moodeen inay abaartii dhammaatay, waanay sii xumaatay abaartii oo sheekadeedii way dhammaatay.
Hadda Boorama maxaa ka socda? Waxa ka socda olole kale oo Madaxweyne-ku-xigeenka guddoomiyaha ka ahaa guddida abaaraha ayaa Awdal soo baxaay ku yidhi; yacnihii iskama qabato abaar baa na haysa iyo olole, mana ah wax is qabta, waa wax laga xishoodo, waana in la joojiyo ololaha. Adduunka xataa codkeenna ayey gaajo u lumin gaadhnay.”
“Halkan waxa jira saddex xisbi oo tartami jiray baannu ahayn oo si nadiif ah ayaannu u tartami jirnay oo aanay qabyaaladi ku jirin, tola’yeey ku jirin, maanta tola’yeey baa soo dhacday, waa markaygii baa soo dhacday, taasna waxaa ka daran xisbi kala jabay oo KULMIYE ah, ayaa isaguna waxa uu nagu soo celiyey ka ciidee haddaad cod weydo adigu. Khatarahaas oo dhan baa innagu soo socda umana jeedno, abaarina dhinac bay innaga haysaa, xafladana waynu ka bixi la’nahay ee waxa loo baahan yahay shacabka reer Somaliland, gaar ahaan dhallinyarada weliba waxa la isku haystaa waa mustaqbalkiinnii.”
“Maanta Somaliland cross road (waddo isgoys ah) bay taagan tahay, waayo halkan cadowgeenu waa firfircoon yahay, dawlad baa laga samaynayaa Soomaaliya oo saameyn weyn bay innagu yeelanaysaa, horena way innoogu yeelatay oo Berbera Corridor (mashruuca dhismaha jidka Berbera iyo Itoobiya) ayey innaga mamnuuceen oo ay innaga horjoogsadeen, Jabhado ayey innagu sameeyeen oo way innagu maqan yihiin, innaguna in ciyaartii dhammaatay goonni-isu-taageena oo qudha ayeynu moodnay oo Habar-habar (qabiilooyin) u kala dhaqaaqnay. Waxaan leeyahay nimanyahow looma baahna xaflado lagu dabbaaldego, waxa weeye in aynu guntiga dhiisha isaga dhigno oo indho dheer u yeelanno cadawgeenna,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.