X
    Categories: Warar

Abaalmarin Israa’iil Siisay Nin Carab Ah Iyo Ujeedada Loo Bixiyay

Araweelo News Network

Berlin(ANN)-Qofkii u horreeyay ee Carab ah ayaa lagu maamuusay abaalmarinta ugu sarraysa ee ay Israa’iil bixiso, isaga oo ku mutaystay in uu badbaadiyay dad Yuhuud ah intii uu socday xasuuqii Holocaust ee Nazi-ga.

Maxamed Helmy oo dakhtar reer Masar ah, ayaa qariyay haweenay Yuhuudad ah caawiyaysna qoyskeeda oo Baarliin ku noolaa, halkaas oo uu ku noolaa kana shaqeeyay dagaakii labaad ee adduunka ka hor.

Dadkii ka farcamay Dr Maxamed oo dhintay 1982, ayaa la gudoonsiiyay abaalmarintaa oo xalfadeeda lagu qabtay magaalada Baarliin.

Dad lagu qiyaasay 70 ruux oo Muslimiin ah ayaa ka mid ah 26,500 oo qof oo aan Yuhuud ahayn oo ay Israa’iil u aqoonsatay badbaadiyeyaal.

 

Maxamed Helmy, ayaa Baarliin dagay 1922,  halkaas oo uu ku bartay dakhtarnimo kana shaqeeyay Cisbitaal ku yaalla.

Isaga laftirkiisa, ayaa cunsurinimo la kulmay markii ay Nazi-yiintu talinayeen, shaqadiisa ayuu waayay, labo jeer ayaana la xidhay.

Markii ay sare u sii kacday waxyeelooyinkii mujtamaca Yuhuudda loogu gaysanayay Jermalka ayuu Dr Maxamed qariyay Anna Boros oo ahayd 21 jir bukaankiisa ka mid ahayd.

Wuxuu maareeyay in uu ka qariyo booliiska dharcadda ah oo uu hoy siiyo, wuxuuna caawiyay hooyadeed, ninka hooyadeed qabay iyo ayaydeed tan iyo intii uu dagaalku ka dhamaanayay 1945tii.

Hase yeeshee beri dambe ayay qortay Anna Boros “Dr Maxamed waxyaabo badan ayuu ii qabtay isaga oo ay ka tahay naxariis qalbigiisa ka soo go’day, waligayna abaal ayaan uga hayn doonaa.”

Dr Maxamed waxaa aqoonsaday Yad Vashem oo ah meel qaran oo Israa’iil ay ku xasuusato xasuuqii Holocaust, sannadkii 2013kii.

Abaalmarintiisana waxaa la gudoonsiiyay Nasser Kotby oo uu waalid labaad u yahay oo isaguna dakhtar ka ah safaaradda Israa’iil ee Baarliin.

Gabadh ay dhashay Anna Boros, ayaa iyadana ka timi magaalada New York si ay u maamuusto xalfadda loo qabtay.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post