X
    Categories: Warar

Aaska Marxuum Axmedyaasiin Abusite Oo Kasoo jeeday Qoys Laga Ixtiraamo Geyiga Soomaalida

Araweelo News Network.

Madaxweyne Biixi, Madaxda Xisbiyada Iyo Boqolaal Qof Oo Ka Qayb-galay Aaska Marxuum Axmed-yaasiin Abu-site Oo Kasoo jeeday Qoys Laga Ixtiraamo Geyiga Soomalida

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay Aas ballaadhan oo loo sameeyay Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdullaahi Abu-site oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi oo ka qayb-galay aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site 28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Image File Araweelo News Network.

Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site oo lagu aasay Xabaalaha Xaraf ee duleedka Caasimadda Hargeysa, waxa kale oo ka qayb-galay shir-guddoonka golaha wakiillada, hoggaanka axsaabta qaranka, wasiiro, xildhibaanno, Salaadiin, ganacsato iyo boqollaal kamid ah mudanta reer Somaliland, kuwaas oo marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, ehelka iyo qaraabadana samir iyo Iimaan u rajeeyey.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, oo ka qayb-galay aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site 28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Image File Araweelo News Network.

Boqolaal qof oo ka qayb-galay aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site 28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Image File Araweelo News Network.

Boqolaal qof oo ka qayb-galay aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site 28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Image File Araweelo News Network.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa marxuumka ku tilmaamay haldoor ku dayasho mudnaa oo ka baxay bulshada reer Somaliland, islamarkaana safka hore kaga jiray ka qayb-qaadashada arrimaha khayriga ah, wuxuuna Allah uga baryay inuu ugu deeqo jannooyinkiisa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi oo ka Tacsiyadaynaya qoyska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site 28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Image File  Araweelo News Network.

Qaar badan oo ka mid ahaa dadkii ka qayb-galay aaska marxuumka, ayaa ku dheeraaday Xusuusta marxuumka iyo guud ahaanba qoyska reer Abu-site ee uu kasoo jeeday oo taariikh dheer ku leh Somaliland, waxanyna Allah uga baryeen inuu jannooyinkiisa ku casuumo.

Boqolaal qof oo ka qayb-galay aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site 28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Image File Araweelo News Network.

Boqolaal qof oo ka qayb-galay aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site 28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Image File Araweelo News Network.

Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdullaahi Abu-site, wuxuu kasoo jeedaa dadkii qoysaska taariikhda weyn ku leh Somaliland, iyadoo Xaaji Cabdullaahi Abu-site ka mid ahaa Odayaashii aas-aasay magaalada Hargeysa, isla markaana ahaa ganacsade si weyn magaciisu ugu fiday geyiga Soomaalida, Ethiopia, sidoo kalena ka mid ahaa dadkii ganacsiga iyo siyaasadaba saamaynta ku yeeshay tan iyo xilligii ay Somaliland maxmiyada u ahayd Boqortooyadii Midawday ee Britain.

Qoyska uu kasoo jeeday Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdullaahi Abu-site, ayaa weli door muuqda ku leh siyaasada, ganacsiga, iyo arrimaha Khayriga, waana qoys si weyn looga ixtiraamo Bulshada Somaliland dhexdeeda iyo dhulka Soomaalida kaleba.

Bahda Shebakadda Araweelo News Networ, waxay iyadoo ka tiiraanyaysan ka tacsiyadaynayaan geeridaa Qoyska Reer Xaaji Cabdullaahi Abu-site iyo dhammaan Bulshada Somaliland, waxayna si gaar uga Tacsiyadaynayaan Bahda Araweelo News Networ, Safiirka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Ambassador Muniir Xaaji Cabdullaahi Abu-site, waxayna Marxuumka uga Baryayaan inuu Janna-fardawsa ka waraabiyo.

Inaa Lilaah Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post