X
    Categories: Warar

Boqollaal Tahriibayaal ah oo ku Dhintay Xeebaha Dalka Talyaaniga Toddobaadkan

Araweelo News Network

Roma(ANN)In ku dhow 700 qof oo tahriibayaal ah oo la socday doonyo ka baxay xeebaha waddanka Liibiya, ayaa ku dhintay Badda Miditrenian-ka oo u dhow dalka Talyaaniga maalmihii Arbacada, Khamiista iyo Jimcaha ee toddobaadkan.
Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay doonyaha ay la socdeen tahriibayaasha tirada badan ee geeriyooday ay ku qarraqmeen xeebaha koonfureed ee dalka Talyaaniga maalmihii Arbacada, Khamiisa iyo Jimcaha ee la soo dhaafay sababo la xidhiidha xaaladda doonyaha iyo cimilada badda oo aan wanaagsanayn.
Waxa kaloo hay’addu xustay in kumannaan kale oo tahriibayaal doonyo ka raacay xeebaha Liibiya ay nabad-qab ku gaadheen waddanka Talyaaniga maalmihii la soo dhaafay.
Afhayeenka Hay’adda UNCHR Mrs. Carlotta Sami oo warbaahinta la hadashay shalay, ayaa xustay in la la’yahay boqol tahriibayaal ah oo la socday doon degtay Arbacadii, halka 550 qof kalena oo saarnaa doon ka shiraacatay dekedda magaalada Sabra ee dalka Liibiya ay qarraqantay maalintii xigtay Khamiista.
Sidoo kale, ciidammada badda ee Talyaaniga ayaa badbaadiyey 135 qof oo la socday doon saddexaad, halka la helay maydadka 45 qof oo kale, waxana la la’yahay tiro kale oo tahriibayaal ah.
Geesta kale, hawl-wadeennada dhanka badaha ee hay’adda MSF, ayaa sheegay in tirada tahriibayaasha ku dhintay xeebaha Talyaaniga toddobaadkii hore ay gaadhayso 900 oo ruux, iyagoo kooxaha badbaadaduna xaqiijiyey inay samato-bixiyeen badbaadiyeen 13,000 qof oo tahriibayaal ah.
Kooxaha badbaadada ee ku sugan Badda Midetarian-ka waxay ka kala socdaan dalal badan oo Yurub ka tirsan, waxana walaac laga muujinayaa in tirada tahriibayaasha ku qulqulaya qaaraddaasi sii kordhaan toddobaadyada soo socda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post